Qormo laga diyaarshay Gabadha Muqdisho & Ragga dalkii tagay.

Qormo laga diyaarshay Gabadha Muqdisho & Ragga dalkii tagay.

daajis.com:-Waxaa fooda nagu soo haya bilihii wadamada reer galbeedka laga dalxiis tagu jirey, waxaana dhacaysa in Soomaali badan oo dibadaha ku nool ay ku qulquli jireen Soomaaliya.

Ragga dibadaha ka taga intooda badan waa guur doon, xitaa kuwa xaasaska iyo caruuraha u joogaan dalalka ay ka yimaadeen.

Dumarka Soomaaliya ku nool ee aan iyagu xaasaska ahayn, waxa ay aad u door bidaan raga dibadaha ka yimaada oo ay ku tuhmayaan lacagaha badan.


Sida uu qabo Xamsa Maxamed oo ah saxafi madaxbanaan oo Soomaali ah oo London ka yimid, dumarka Soomaaliya waxa ay aaminsanyahay in raga dibadaha ka yimid ay jeceylka kaga aqoon badanyihiin kuwa dalka jooga, waxa uu sheegey in raga dalka jooga aysan ka suuroobin in ay saacado gaari gaxeeyaan si ay hal ubax ah oga soo iibiyaan dukaanka kaliya ee magaalada ku yaala ee ubaxyada iibiya.

Waxa jirta in dumarka caasimadda ay ragga dibadaha kala yimaada u kala soocanyihiin, una kala caalamsanyihiin, waxayna u kala qeeybiyeen sedex qolo.

Waxaa jira astaamo gaar ah oo ay marka horaba ku gartaan in ninkani uu dibada ka yimid, waxaana ka mid ah jirkiisa oo leh baro baro sida kuwa shabeelkii oo kale ah, xaad, xaga labiska oo kan ay xirtaan aanan dalka laga xiran, socodka iyo tartiibta marka ay la macaamilayaan dadka.

Qolada Koowaad

Waa dad ahaan jirey wadayaasha tagsiyada, kuwaasi oo shaqo dowladeed usoo doontey dalka, waxay noqdaan wasiiro, agaasimeyaal iyo shaqooyin sarsare oo dowladda dhexdeeda ah, waxay xiranyihiin dhar sufushaari ah, waxayna wataan boorsooyin aanan la garanaynin waxa ku jira.

Kuwani lacag badan ma heystaan, laakiin waxaa aad u jecel gabdhaha jaamacadaha dhameeyey si ay oga caawiyaan shaqooyinka dowladda.

Qolada Labaad

Ganacsato jeeb weyn ah kuwaasoo da’doodu weynaatay, laakiin waxa ay dumarka ku harqinayaan hadiyado, lacag iyo waliba safaro dibada ah sida Dubai oo kale, waxay dalalkii ay ka yimaadeen oga soo tageen xaasas iyo caruuro, balse waxay diyaar u yihiin in xaasas kale ay guursadaan.

Qolada Sedexaad

Dhalinyaro dhaqan celin dalka loo keeney kuwaasoo waalidkood ay soo musaafuriyeen, kuwaasoo iyaga si gaar ah u labista, islamarkaasina tamashleynta iyo dhalinyareynta ku wanaagsan.

Kuwani wax badan lagama dheefo, laakiin gabdhaha xiiseeyaa atoorayaasha Hollywood-ka iyo Bollywood-ka ee aflaanta, ragani aad ayay u jecelyihiin, sababtoo ah waa kuwa ku wanaagsan xaga shukaansiga iyo sheenaha dhalanteedka ah.


_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada