Madaxweynihii Shacbiyada Badnaa Sheekh Shariif oo si weyn loogu soo Dhaweeyay Atlanta (Daawo Sawirada)

Madaxweynihii Shacbiyada Badnaa Sheekh Shariif oo si weyn loogu soo Dhaweeyay Atlanta (Daawo Sawirada)

daajis.com:-Madaxweynihii hore ee Dowladii KMG Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo xiligan kusugan Dalka Mareykanka ayaa dhawaan booqday Magaalada Atlanta halkaas oo si weyn loogu soo dhyaweeyay Xaflad weyna loogu dhigay Sheekh Shariif.

Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Magaalada Atkanta ayaa si aan loo kala harin waxa ee usoo dhaweeyeen Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyagoona ku faraxsanaa in uu Magaalada ee joogaan kusoo Booqdo Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii Shacabiyada iyo Taageerada Badnaa.

Jaaliyada ayaana Madaxweynaha u dhigay Xaflad ee kusoo dhaweenayeen waxaana halkaasi ka hadlay Qaar kamid ah Madaxda Jaaliyada iyo Aqoonyahano oo ku amaanay Sheekh Shariif wax qabadkiisii iyo dadaalkii uu muujiyay intii uu talada Dalka hayay kuna kasbaday Taageerada shacabka Soomaaliyeed ee Dal iyo Dibad.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in Magaalada Atlanta gaar ahaan Jaaliyada Soomaaliyeed uu kala kulmay dareen ka duwan kuwii uu horey u arkay uuna ilaawi doonin soo dhaweynta iyo farxada ee kusoo dhaweeyeen Reer Atlanta.

Sheekh Shariif ayaa sidoo kale Soomaalidii uu la hadlay uga warbixiyay Marxaladihii adkaa ee dalka soo maray iyo sidii ay ugu guuleesteen in Dalka Wax badan iska badalo ilaa la gaaro in Doorasho gudaha Magaalada Muqdisho lagu qabto.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa tan iyo markii Xilka Madaxweyne looga guuleestay saaxada siyaasada ka maqnaa iyadoona Madaxweynaha uu hada kusugan yahay Dalka Mareykanak waxa uuna kulamo kala duwan la qaatay qaar kamid ah Jaalidaha ku dhaqan dalkaasi.







_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada