Fanaan lagu diray Lamaantiisii labaad oo Qeeylo dhaan Jaceeyl bilaabay (Daawo Muuqaal+Warbixin)

Fanaan lagu diray Lamaantiisii labaad oo Qeeylo dhaan Jaceeyl bilaabay (Daawo Muuqaal+Warbixin)

daajis.com:-Maslaxa Fanka Soomaaliyeed ayaa sanadahaan dambe waxa uu noqday mid si toos ah Heeso cusub la iskugu jawaabo. Fanaaniinta Soomaaliyeed ayaa qaarkood fariimaha waxa ay isku mariyaan hawada kuwaas oo dhibka heeysta si hoose HEESO iyo Gabayo uga sameeya. 



Mararka qaar ayaa Geeraarka iyo Gabayada la isku adeegsado waxa ay yihiin kuwo Sarbeeb ah oo taabanaya Lamaanaha is jecel ama kala tagay. Muuqaal cusub oo la soo galiyay dhanka Maslaxa Heesaha Soomaaliyeed ayaa waxa uu la magac baxay AMRAN. 

Muuqaalkaan ayaa waxaa ka qeeyb qaadanaya koox Dhalinyaro ah oo uu Hogaamiyo Fanaanka da´da yar ee lagu magacaabo Cumar Cali Cumar (Cumar Sii Sii ) kaas oo inta badan looga bartay Heesaha cusub iyo Muuqaalada Gabayada iyo geeraarada ka sameeysan. 

Fanaankaan oo dhawaan gabar Cadaan ah waliba Lamaantiisa ah Muslimiyay ayaa waxaa la xaqiijiyay in lagu diray Lamaantiisa labaad gabadha lagu magacaabo AMRAN taas oo Maseeyr ahaan iyo xanaaq bilo qaatay kaga maqan. Dadka qiimeeya arimaha Fanka iyo Geeraarada ayaa durbadiiba fahmay halka uu Fanaanka u dan leeyahay kaas oo Heesta ku abaaray kuna raali galiyay AMRAN wuxuuna sheegay inuu wali jecel yahay oo uu u dhigi doono Aroos wacan . 

Miraha Heesta Amran ee Sarbeebta ah ayaa waxaanu ka xusi karnaa sidatan : Amarkaagaan oofiyaa Axdigeenii aawayee, Asluubtaada wacan iyo Indhahaagaan aaminaa, Alla waan ku jeclaadayee Aroos noo dhig Amraneey , Aduunkoo dhan waan gafay udgoonkaagaan uunsadaa, Africa iyo Asia adigoo kale maanan arag, Aqbaartaada ku farxaa Aayatiinkaa i deeqayee & kuwo kale oo fara badan . 
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 12:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada