QM: Somalia Waxaa Horyaala Caqabado u Baahan in Laga Taageero

QM: Somalia Waxaa Horyaala Caqabado u Baahan in Laga Taageero

daajis.com:-Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dowladda Somalia ay horyaalaan caqabado ka gudbidoodda u haaban taageero caalami ah oo wada jirta.
Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay dhinaca Siyaasada Jeffrey Feltman, ayaa u sheegay shalay 15-xubnood ee Golaha Amaanka in loo baahanyahay howlgal Qaramada Midoobay ay ka fuliso gudaha Somalia oo ay ku caawineyso Dowladda Somalia.

Waxa uu sheegay in howshan cusub ee Qaramada Midoobay ay ka dhignaan doonto talaabo cusub oo ay Qaramada Midoobay ka bilaabeyso Somalia, isla markaana lagu cusbooneysiinayo balanqaadyadii dalalka xubnaha ka ah golaha ee ahaa in dowladda Somalia laga taageerayo dhismaha Nabad ay Somalida hormuud ka tahay.

Waxa uu sheegay Jeffrey Feltman in Dowladda uu Madaxweynaha ka yahay Xassan Sheekh Maxamud ay qaaday talaabooyin dhinaca amaanka ee ku qotoma siyaasadeedda lixda qodob, iyadoo dowladda hadda ay gacanta ku heyso meelo ka baxsan Muqdisho, taasoo qeyb ka ah dadaal ay ku dooneyso inay kaga dhabeyso dhismaha dowlad federal ah oo mideysan.

Waxuuse sheegay inay jiraan gobolo iskood u doonaya inay maamul u sameystaan sida Jubooyinka oo kale oo ay dowladda u aragto sharci darro.
Waxuu kaloo soo hadal qaaday in Al-shabab ay weli qatar ku heysto xasiloonida Somalia, iyadoo dagaalyahanno ka tirsan ay dhawaan qabsadeen magaalo muhim ah, ka dib markii ay ciidamo Ethiopian ah oo magaalada ku sugnaa ay isaga baxeen.

Waxa uu sheegay in inkastoo Amisom ay howl muhim ah ka qabatay Somalia, hadana caalamka looga baahanyahay in la dhaliso la tababaro lana qalabeeyo Ciidamada Somalia, maadaama ay yihiin Istraatiijidda lagu soo afjarayo howlgalka military ee caalamiga ah ee Somalia.

waxa uu soo dhaweeyay aragtida Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Banki Moon ee aheyd in la kala diro xafiiska siyaasadda Qaramada Midoobay ee Somalia ee loo yaqaan UNPOS laguna bedelo xafiis siyaasadeed oo ka balaaran, kana awood badan, oo dowladda Somalia ka caawiya dhismaha nabadda.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 13:03 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada