Kala Carar ka dhacay Magaalo ku Taal Talyaaniga kadib Markii la arkay buuro dhaadheer oo soconaaya!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)

Kala Carar ka dhacay Magaalo ku Taal Talyaaniga kadib Markii la arkay buuro dhaadheer oo soconaaya!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)

daajis.com:-Dhacdo mucjiso iyo la yaab leh ayaa waxaa la sheegay inay ka dhacday dalka Talyaaniga ka dib markii ay buuro dhaadheer oo waa weyn la arkay mar qura ayaga oo soconaaya islamarkaana cagta marinaayo wixii ka horyimaada. 


Arintaan mucjisada iyo la yaabka leh oo ka dhacday magaalada lagu magacaabo Maierato oo ka tirsan gobolka Vibo Valentia ee dalkaas Talyaaniga ayaa waxaa la sheegay inay dadka ku nool degaanka ay ku waabareesteen iyadoo buurihii magaaladaas ay socdaan islamarkaana ay jiirayaan wax alla wixii ka horyimaada, dadkii ku noolaa goobahaas oo ay arintaas ku noqotey yaab iyo amakaag ayaa waxaay isaga carareen agagaarkaas iyadoona dhamaan la faarujiyey deeganadii ka ag dhawaa buurahaas islamrkaana looga digaayey inay dadku ka ag dhawaadaan buurahaas socday ee yaacayey loona sheegaayey inay ka baxsadaan goobahaas iyo agagaarka buurahaas iyadoona dhamaan dadkii ku noolaa magaaladaas ay gebi ahaanba ka baxeen halkaas oo ayna magaaladu noqotey una ekaatay meel aysan cidna ku nooleyn.

Ugu dambeyntiina iyadoo arintaan ay dadka Talyaanigi ku noqotey dhacdo lama iloobaan ah ayaa dadka qaarkood waxay ku macneeyeen arintaan roobaba lixaad leh oo ka da'ayey mudo dheer goobahaas inay sababeen arintaas, laakiin dadka qaar ayaa arintaas ku sheegay mid aan loo nisbeyn karin roobabkaas oo ayna tahay mucjiso rabaani ah maadaama ay waligeed roobabku ka da'i jireen goobahaas mucjisadaan oo kalena aan horey loo arki jirin, duqa magaalada ay mucjisadaas ka dhacday oo lagu magacaabo Sergio Rizzo ayaa waxaa uu sheegay inaysan waligood arkin arintaan oo kale islamarkaana ay xooga saareen inay badbaadiyaan dadkooda oo ayna u fidiyaan caawinaada ay u baahan yihiin, sidoo kale ayaa qaar ka mid ah dadka deegaanka waxay sheegeen inaysan noloshooda aysan arag dhacdadaan oo kale iyo wax la mid ah toona iyagoona ilaahay uga mahad caliyey inuu ka badbaadiyey musiibadaan. 
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 13:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada