Nin Somali oo Taksiile ah oo isku dayey inuu kufsado Ama Xoogo Haweeney rakaab ah oo uu soo qaadaya(Daawo Muuqaal+Warbixin)

Nin Somali oo Taksiile ah oo isku dayey inuu kufsado Ama Xoogo Haweeney rakaab ah oo uu soo qaadaya(Daawo Muuqaal+Warbixin)

daajis.com:-Nin Somali oo Taksiile ah oo ku nool dalka Mareykanka ayaa waxaa la sheegay inuu isku dayey inuu kufsado haweeney rakaab ah oo uu soo qaadaya. 


Soomaaligaan oo lagu magcaabo Cabdulqaadir Yuusuf Maxamed oo 26 sano jir ah islamarkaana ah nin taksiile ah ayaa waxaa la sheegay inay booliiska magaalada Saint Paul ee gobolka Minnesota ee dalkas Mareykanka ay xabsiga dhigeen ka dib markii uu ninkaan isku dayey inuu kufsado ama uu xoogo haweeney uu rakaab ahaan u soo qaaday oo soo raacday tagsigiisa, Haweeneydaan oo 26 sano jir ah oo shaqo ka soo rawaxaysay xilli dambe oo habeen ah ayaa waxay u wacatey tagsi u qaado gurigeeda, waxaana u yimid ninkaan Soomaaliga ah iyo tagsigiisa iyadoona ay haweeneydaasi ay halkaas ka soo raacday tagsiga Laakiin markii uu mudo socday ayey haweeneydaasi waxay waydiisatey ninkii Soomaaliga ahaa inay sigaar ku dhex cabi karto tagsiga asagoona arintaas sharuud uga dhigay inay soo faariisato kursiga hore ee baabuurka hadii ay dooneyso inay sigaar cabto taas oo ay haweeneydaasi ay aqbashay arintaas, ka dib ninkaas Soomaaliga ah ayaa markii ay haweeneydii soo dhinac fariisatey albaabada u xirtay ka dibna waxaa uu ku bilaabay inuu gacmo gacmeeyo laakiin haweneydaas ayaa iska diiday arintaas iyadoona uu halkaas ka dhacay dagaal iyo hardi keenay inay haweeneydaasi ay si dirqi iyo xoog ah kaga baxsato ninkaas Soomaaliga ah ee damacsanaa inuu xoogo. 

Ugu dambeyntiina iyadoo uu ninkaas Soomaaliga ah xabsiga la dhigay islamarkaana la sheegay inuusan haysan ruqsada tagsiilanimada ayaa af hayeen u hadlay booliisk oo algu magacaabo Andy Skoogman waxaa uu sheegay inaysan haweeneydaasi aysan u yeeran shirkada tegsiyada ee ninkaas Soomaaliga ah iyadoona uu ninkaasi uu ka dhageysnaayey fooneeyaha dalabka haweeneydaas ka dibna uu asagu iskiis u aaday naagtaas inuu soo qaado booliiska ayaa sido kale ku faaniyey geesinimada ay muujisay haweeneydaas iyo sida ay isaga dhicisay ninkaas Soomaaliga ah asagoona kula taliyey dumarka kale inay ku daydaan haweeneydaas oo ayna u dhaqmaan geesinimada haweeneydaan oo kale oo ayna iska dhiciyaan hadii ay la soo gudboonaato arintaan oo kale. 
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 11:37 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada