Gabarey ka digtoonow arimahan qatarta kuu horseedi kara (waano guud)

Gabarey ka digtoonow arimahan qatarta kuu horseedi kara (waano guud)

daajis.com:-Qormada waano guud waxaan kusoo qaadaneynaa maanta khatarta inta badan kasoo wajahi karta gabdhaheena sharafta leh isticmaalka aalada internetka .

Rajo Qaran waxay mar waliba dhiiri gelineysaa in la dhowr sharafta iyo qiimaha hablaha soomaaliyeed hadaba gabaryahay si sharafkaaga u dhowrsanaado waa in aad adiga aad isaga taxadartaa oo ka digtoonaataa qodoban ay Rajo Qaran kusoo gudbineyso .

kalsoonidaada iyo aaminaadaada xad uyeel ogowna kalsoonida xad dhaafka ah ee dadka kale lagu qabo waqtiyada qaar waxay kuu horseedi kartaaa xaalado qatar ah .

haku fogaan jaceylka ruuxa aad jaceyl u qaado waayo waa bini adam wax kasto laga filan karo jaceylkaaga iyo naceybkaagaba xad u yeel .

ku taxadar sawiradaada in ay save ahaadaan waayo waxaa soo batay dhalinyaro xirfad iyo sharaf moodo in ay xumeeyaan sumcada gabdhaha sharafta badan ee soomaaliyeed.

Ruux aad khadka ka baratay kaligaa adigoo ah hala kulmin waayo halis walbo ayaa ka imaan karto meesha aad kula kulmeena ha ahaato meel public ah, ha is raacin ruux ku dhaafay oo qalbiga kaa xirtay waayo waxaad siineysaa guul qofkii adiga dhib kaaga tagay, ahaw qof isku kalsoon iskana jir in aad sawir islaameed isticmaasho adiga oo kaaga xafidanaayo waayo kaaga ayaa qof kale oo sharaf daro u dhaqmee isticmaali doontaa .

ka tigtoonow oo ha aqrisan qormooyinka aan laga fiirsan ee looga hadlo waxbaha la xiriir kulanka labada is qaba waayo haddii aad joogteyso waxaa caadi kula noqon doono ka sheekeynta dhaqan xumada iyo jimaaca labada is qabo .

Ahw saaxiibka kowaad ee shabakada www.daajis.com kana faa'ideyso waxyaalo badan oo anfac kuu leh .
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada