Garoonka diyaaradaha magaalada Galkacyo oo maalintii labaad u xiran

Garoonka diyaaradaha magaalada Galkacyo oo maalintii labaad u xiran

daajis.com:-Waxaa maalintii labaad hakad ku jira howlihii garoonka diyaaradaha Galkacyo, kadib markii shalay maleeshiyo hubeysan ay duqeeyeen garoonka.

Xiisada ka dhalatay duqeyntaas ayaa sababtay inay gebi ahaanba hakad galaan duulimaadyadii garoonka ee maalinlaha ahaa.

Odayaal iyo waxgarad ka soo jeeda magaalada galkacyo ayaa dadaal ugu jira sidii uu dib u howl bilaabi lahaa garoonka.

Dadaalada ayaa waxaa qeyb ka ah odayaasha labada dhinac ee ka soo kala jeeda Puntland iyo Galmudug, iyadoo aanay jirin ilaa iyo hada wax hadal ah oo ka soo baxay labada maamul.

Shalay ayay aheyd markii maleeshiyo ka soo jeeda Galmudug ay qoriga lidka diyaaradaha ku garaaceen garoonka diyaaradaha Galkacyo, iyadoo jawaab ay ka bixiyeen ilaaladii garoonka.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:53 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada