HUMAN RIGHTS WATCH OO KU TALISAY IN ILAALO LOO YEELO GARSOORAYAASHA IYO QAREENADA. WARBIXIN.

HUMAN RIGHTS WATCH OO KU TALISAY IN ILAALO LOO YEELO GARSOORAYAASHA IYO QAREENADA. WARBIXIN.

daajis.com:-Hay,adda caalamiga ah ee u doodda xuquuqda aadanaha ee fadhiggeedu yahay New York, Human Rights Watch ayaa maanta oo Talaado ah waxay soo saartay warbixin ay ku talineyso in ilaalo loo yeelo garsooreyaasha maxkamadaha iyo qareennada Soomaaliyeed ee safka hore kaga jira dib u habeynta la rabo in lagu sameeyo nidaamka garsoorka dalka si loo badbaadiyo noloshooda.

Talo soo-jeedinta Human Rights Watch ayaa imaneysa kaddib weerarradii Axadda ka dhacay Muqdisho, ee xarakada al-Shabaab ay ku qaadday dhismaha maxkamadda gobolka Banaadir iyo kolonyo gaadiid ah oo ay saarnaayeen samafaleyaal u dhashay dalka Turkiga.

Human Rights ayaa weerarrada oo ay ku dhinteen in ka badan 30 qof ku tilmaamtay dambi dagaal.


Dadaalka ka socda Soomaaliya ee dib u habeynta garsoorka waa mid muhiim ah, ayay war qoraal ah ku tiri Leslie Lefkow, oo ah ku xigeenka agaasimaha Human Rights Watch ee Afrika.

Si loo hirgeliyo dib u habeynta garsoorka, Leslie waxay sheegtay in loo baahan yahay xaqiijinta in garsooreyaasha maxkamadeed iyo qareennada ay helaan ilaalo si ay u gutaan waajibaadkooda shaqo.

Hay,adda ma aaney shaacin cidda ay tahay inay ilaalada bixiso, hase yeeshee dowladda Soomaaliya lafteeda ayaa dhinaca ammaanka waxay si weyn ugu tiirsan tahay ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM.

Labo qareen oo caan ahaa ayaa ka mid ah dadkii ku dhintay weerarkii ka dhacay maxkamadda gobolka Banaadir. Maxamed Maxamuud Afrax oo ahaa madaxa ururka qareennada Soomaaliyeed iyo Cabdikariin Xasan Gorod oo ahaa qareenkii u dooday weriye Cabdicasiis Koronto ayaa ku dhintay gudaha maxkamadda.

Afrax iyo Gorod waxay difaaci jireen xuquuqda bini,aadamka, ayuu yiri Maxamed Ibraahim oo ah xog-hayaha ururka qaranka suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed.

Ugu yaraan hal gaari oo walxaha qarxa laga buuxiyey iyo dhowr qof oo isa soo miidaamisay ayaa isku qarxiyay albaabka hore ee dhismaha maxkamadda gobolka Banaadir, deetana dabley ayaa weerartay dhismaha maxkamadda.

Wax ka yar kaddib, gaari kale oo walxaha qarxa ay ka buuxeen ayaa lagu dhuftay kolonyo gaadiid ah oo saarnaayeen samafaleyaal u dhashay dalka Turkiga.

Human Rights Watch ayaa cambaareysay weerarrada al-Shabaab ee dhismaha maxkamadda iyo kolonyada shaqalaaha samafalka, iyadoo ku tilmaamtay inay ahaayeen “dambiyo dagaal.

Ma ahan markii ugu horreysay ee Human Rights Watch ay ku eedeysay al Shabaab inay geysatay dambiyo dagaal.

Hay,adda ayaa sanadkii 2011 waxay sheegtay in dhinacyada ku lugta leh colaadda Soomaaliya al-Shabaab, ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM ay si aan kala sooc lahayn u dileen dad rayid ah, kuna xadgudbeen shuruucda caalamiga ah ee u degsan dagaalka.

Dowlada Soomaaliya ayaa Isniintii sheegay in dagaalyahanno ajnebi ah ay ku lug lahaayeen weerarrada.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada