Justin Bieber awoowihiis oo aad uga niyadjabsan wiilka uu awoowaha u yahay

Justin Bieber awoowihiis oo aad uga niyadjabsan wiilka uu awoowaha u yahay

daajis.com:-Awoowga Justin Bieber George Bieber ayaa sheegay in wiilka uu awoowga u yahay uusan siin wax dhaqaalo ah sida ay maanta qortay jariirada The daily News. wuxuu intaa sii raaciyey inuu xitaa uusan la soo xiriirin oo aanu ka warheyn xaaladiisa wax uu taro iska daaye.


Justin Bieber oo leh hanti gaareysa 70 Million ayaa la sheegay in awoowgiis iyo xaaskiisa Kathy ay ku nool yihiin duruufo dhaqaale oo liita,islamarkaana ay ayeeyadu iyadu shaqeyso si nolosha ay usoo dhacsadaan.

Waxaa cajiib ah ayuu yiri in hooyada dhashay Justin Bieber ay ka hesho wiilkeeda dhaqaalo fiican, sida inuu u iibiyo baabuur iyo guryo iyo waxwalba oo ay rabaan,laakin anaga waxbo kama helno waxa keliya ee uu weligiis nasiiyey ayaa aheyd ayuu yiri Television iyo lacago yar oo uu na siiyey christmaskii, wuxuu ahaa ayuu yiri George Bieber justin qeyb weyn oo nolosheena ka mid ah,laakin nasiibdaro markii aan aragnay dabeecadxumada uu mudooyinkaan la soo baxay waxaan u aragnaa inuusan aheen wiilkeenii aan naqaanay.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada