Kanye West oo qorsheynaya inuu Paris ku noolaado.

Kanye West oo qorsheynaya inuu Paris ku noolaado.

daajis.com:-Fanaanka caanka ah ee Kanye West ayaa dadaal ugu jira sidi uu ugu guuri lahaa dalka France magaalo madaxdiisa Paris, wixii ka dambeeya marka ay dhasho gacalisadiida Kim Kardashian.

Xili labada lamaane ay sugayaan canugoodi ugu horeeyay ayaa Kanye West waxa uu doonayaa in gacalisadiisa Kim uu ku qanciyo iney u wareegaan magaalada Paris, halkaasna ay ku noolaadaan in mudo ah.  


Sababta Kanye u doonaayo ku noolaashahada magaalada Paris ayaa waxaa lagu sheegay in si gaara uu u jecelyahay halkaas, wuxuuna arintaan u sheegay Kim iyo hooyadeed.

Fanaan West ayaa isagu ku fikirayay in inta aysan dhalin Kim ay u wareegan Paris laakin marki uu u sheegay arinta hooyada dhashay, ayaa iyadu arintaan diiday kuna talisay in gabadheeda lagu dhaliyo Isbitaal ku yaal Los Angeles oo iyadu horay ugu dhali jirtay.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada