Thomas Muller Oo Filanaya Lionel Messi Ka Xoog Badan Sidii Lugtii Hore Ee Munich.

Thomas Muller Oo Filanaya Lionel Messi Ka Xoog Badan Sidii Lugtii Hore Ee Munich.

daajis.com:-Thomas Muller ayaa aaminsan in Bayern Munich ay wajihi doonto Lionel Messi ka adag lugtii hore marka ay habeen danbe la ciyaarayaan Barcelona.
“Qof walba waa ogyahay in Lionel Messi uu yahay ciyaaryahanka ay ku tiirsan yihiin. Hadii aad dhalineyso 50 gool xilli ciyaareed kasta, markaas waa iska cadahay in kooxda adiga kugu tiirsan tahay” ayuu kubadsameeyahan u sheegay suxufiyiinta maanta.

“Kama warqabo sida xaaladiisa ay aheyd lugtii hore marka laga hadlayo taam ahaanshihiisa, laakiin kursiga keydka keydka uu ka soo kacay habeenkii sabtida waxaana uu dhaliyay gool weyn.
“Waxaan qabaa inaan saa’id ugu mashquuli doono isaga kulankaan.
“Barcelona xitaa waxa ay isku dayi doontaa inay goolkeena mashquul ku noqdaan, islamarkaana ay ciyaaraan baasas hoose xerada goolkeena dhexdiisa ah.
“Waxaan dooneynaa inaan kubada ka fogeyno goolkeena ilaa iyo intii macquul ah, waxaana 11keena qaban doonaa shaqo weyn.”
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:51 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada