Muqdisho: Howlgallo Ammaanka Lagu Sugayo

Muqdisho: Howlgallo Ammaanka Lagu Sugayo

daajis.com:-Howl gal ballaaran oo ka duwan kuwii hore ayaa ka socda magaalada Muqdisho, iyadoo in ka badan shan saacadood ay xiran yihiin dhamaan wadooyinka halbowlaha u ah isu socodka guud ee magaalada.
Howl galadan ayaa la sheegayaa inuu ka dambeeyay amar ka soo baxay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku amray hey’adaha ammaanka inay howl gal ballaaran lagu qaado magaalada Muqdisho.

Meelaha xiran ayaa waxaa ka mid ah min Ex Koontarool Afgooye ilaa Kaaraan wadada isku xira xaafadaha degmooyinka koofurta iyo waqooyiga Muqdisho, waxaana dadka ay yihiin kuwo lugeynaya kaliya, waxaase jira gaadiid qaar oo wadooyinka xaafadaha isticmaalaya.

Saldhigyada Booliska degmooyinka ayaa lagu wargeliyay inay heegan geliyaan ciidamada, isla markaana ay xiraan isgoys walba, mana jiro wax dhaq dhaqaaq oo gaadiid ah.




Howl galkan ayaa waxaa ka qeyb qaadanaya ciidamada kala duwan ee dowladda, sida Booliska Nabadsugida iyo Milateriga Soomaaliya, waxaana howl galkan loo xilsaaray Wasaarada Arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka.

Wararka qaar ayaa sheegaya in xaaladop ammaan oo deg deg ah howl galkan loo bilaabay, kadib markii la helay warar sheegaya in Al-Shabaab ay qorsheynayaan weeraro iyo warar kale oo tilmaamaya inay diyaariyeen kooxo ka dagaalamay degmooyinka qaar.

Laakiin wararka ugu xooga badan ayaa ah cabsida la xiriirta in Al-Shabaab ay abaabulayaan weerar la mid ah kii Maxkamada Gobolka Banaadir lagu qaaday 14-kii bishan, waxaana la leeyahay howl galkan waxaa uu soconaya maalmo.

Howl galkan ayaa ilaa iyo iminka waxaa lagu qab qabtay dhalinyaro badan oo aan tiradooda la ogeyn, inkastoo saldhigyada qaar ay ka socdaan howlo lagu kala shaandheynayo dhalinyarada.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:04 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada