Paris Jackson iyo hooyadeed oo mudo fog kadib xiriirkoodii dib usoo laabtay

Paris Jackson iyo hooyadeed oo mudo fog kadib xiriirkoodii dib usoo laabtay

daajis.com:-Paris Jackson iyo hooyadeed ayaa markii ugu horeysa mudo sanado ah dib xiriirkooda u bilowday. Paris Jackson iyo hooyadeed Debbie ayaa la sheegay iney dib u midoobeen.

Waxaa dhawaan la arkay ayagoo isla tamashleynaayan, kadib mudo aad u fog oo ay kala dheeraayeen. Sawiro laga qaaday dhawaan ayaa muujinaayo iney labadooda midoobeen sanadguuradii 15 oo aheyd bishaan gudaheeda,waxaana la soo bandhigay sawiradooda ayagoo ku qadeynaaya maqaayad ku taala Calisfornia.


Debbie iyo gabadheeda ayaa la sheegay iney xiriir hoose leeyihiin,waxaaney sheegtay gabadha Michaek Jackson in marka hooyadeed ay la joogto ineysan la socon wax waardiyaha ah,taasoo ay faa'iido weyn u aragto.

Michael Jackson kala wareegay xaqii ay u laheyd carruurteedii kadib markii ay kala tageen sanadkii 2001, halka Prince la sheegay in aanu u baahneyn inuu wax xiriir ah la yeesho hooyadiis.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada