Man City Oo Horyaalka Gacanta U Sii Gelisay Man United Xilli Guuldarro Culus Ay Kala Kulmeen Tottenham.

Man City Oo Horyaalka Gacanta U Sii Gelisay Man United Xilli Guuldarro Culus Ay Kala Kulmeen Tottenham.


daajis.com:-Manchester City ayaa gacanta u sii gelisay Manchester United horyaalka Premier League kuwaasoo u dabaaldegi doona hanashada horyaalka hadii ay habeen danbe ka badiyaan Aston Villa ka dib markii guuldarro 3-1 ay ka soo gaartay Tottenham kuwaasoo seddex gool ku dhaliyay 7 daqiiqo gudaheed xilli City ay muddo badan 1-0 ciyaarta ku hogaamineysay.

Ciyaarta ayaa ku bilaabatay si dardar ah, iyadoo Manchester City ay hogaanka qabatayba ciyaarta oo shan daqiiqo socota, Tevez ayaana si aad ah u soo shaqeeyay ka hor inta uusan baas fiican u dhigin Milner kaasoo isna kubad karoos hoose ah u geeyay Samir Nasri oo isna shabaqa ku hubsaday.

Waa goolkii ugu horeysay ee marti ah uu Premier League ka dhaliyo xiddiga Faransiiska Samir Nasri ku dhawaad muddo sannad ah.

Daqiiqadii 22aad ayaana Tottenham ay u soo dhawaatay inay hesho goolka barbaraha, Dempsey ayaa kubad u dhigay Walker kaasoo isna kubadii uu goolka la damacsanaa uu ka badbaadiyay goolhaye Joe Hart oo xagal ciriiri ah ka bixiyay kubada.

Daqiiqadii 28aad ayaana City ay dhaaftay fursad ay ciyaarta hogaankeeda ku dheereysan kareen markii Zabaleta uu kubad u dhigay Tevez kaasoo isna baas taabasho hore oo qurux badan u sii dhigay Nasri oo xerada ganaaxa ku jiray kaasoo isna farsamo ku qanciyay Vertonghen ka hor inta uusan kubada banaanka u bixin.

City ayaa iyadana heshay fursad gool loo fishay daqiiqadii 40aad markii Tevez uu mar kale baas fiican u dhigay Dzeko oo goolka u furnaa, laakiin kubada ayuu si aayar ah u tuuray taasoon keentay in Hugho Lloris uu si fantastik ah uga badbaadiyo.

Waxaana qeybtii hore ee ciyaarta lagu kala nastay 1-0 oo ay hogaanka ku heysay kooxda martida aheyd ee Manchester City.

Qeybtii labaad ayaa ciyaarta ay ku bilaabatay jawi adag oo kubada ay aheyd mid xoog ku dhisneyd, iyadoo City ay fursad kale heshay daqiiqadii 62aad ee ciyaarta.



Walker ayaa ku guuldareystay inuu si wacan u bixiyo karoos uu keenay Zabaleta, taasoo u sahashay in Toure uu goolka fursad u helo laakiin waxaa ka badbaadiyay Lloris.

Spurs ayaana bilowday inay cadaadis isdabajoog ah saaraan City, taasoo u miro dhashay daqiiqadii 75aad ee ciyaarta markii ay heleen goolka barbaraha, karoos baas ah oo dhanka midig ka keenay Gareth Bale ayaa waxaa shabaqa ku taabtay Clint Dempsey taasoo ciyaarta ka dhigtay barbaro 1-1 ah.

Waa goolkii lixaad ee Dempsey uu ka dhaliyo Premier League xilli ciyaareedkan, iyo goolkiisii seddexaad ee uu ka dhaliyo koox Manchester ka dhisan.

Afar daqiiqo ka dibna Tottenham halkaas kuma joogsan Jermaine Defoe oo bedel ku soo galay ayaana hogaanka u dhiibay gool fantastik ah oo uu shabaqa si fiican ugu qaaday, taasoo ciyaarta ka dhigtay 2-1.

Daqiiqadii 82aad ayaana Spurs ay heshay goolkii seddexaad ee ciyaarta hurdo u dirayay markii Gareth Bale oo dhaawac ka soo kacay uu si macaan kubad uga dulqaaday Joe Hart, isagoo kooxdiisa siiyay hogaan qaali ah. Xiddiga kooxdiisa lagu soo waramayo inay ku qiimeysay 100 milyan ginni ayaana kooxdiisa u xaqiijiyay guul muhim ah oo ay ka gaareen kooxda Man City.

7 Daqiiqo gudaheed ayaana City goolkii ay hogaanka ku heysay inta badan ciyaarta waxaa loogu jawaabay seddex gool kale, taasoo ka dhigtay in Tottenham ay sii nooleyso rajadeeda booska Champions League ee xilli ciyaareedka soo socda iyagoo leh 61 dhibcood islamarkaana ku dhibo ah Chelsea oo xilli dhow la ciyaari doonta Liverpool.

Manchester City ayaa iyadana guuldaradan waxa ay la micno tahay inay horyaalka ku sii wareejiyeen Manchester United kuwaasoo habeen danbe u dabaaldegi doona hadii ay ka badiyaan Aston Villa.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:45 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada