Mugadisho iyo maanta Guurka qudba sirada oo xowli usocdo. Daawo Sawiro

Mugadisho iyo maanta Guurka qudba sirada oo xowli usocdo. Daawo Sawiro

daajis.com:-Kadib markii alshabaab laga saaray meelo badan oo gobolka Banaadir iyo Shabeelada Hoose ah ayaa waxaa markale cirka isku shareeraya suuqii masaafada iyo meher xadka.

Sawirka waxaa ka muuqda Cabdi Cali iyo Aniisa oo waraysi gaar ah siiyey wakaalada wararka AP iyaga oo markaasi iska soo mehersanayay magaalada Wanlaweyn ama Daafeed.

Anisa waa ardayad wax ka dhigata jaamacada Muqdisho, dhaqaalaha ayay barataa, halka Cabdi uu yahay dawaarle xoogiisa ku shaqaysta.

Anisa waxaa ka muuqda cilaan si qurux badan loogu saaray, iyo bulshuleetooyin dahab ah, iyadoo indho naxariis leh ku eegeysa seeygeeda cusub.

Waxa ay isku mehersanayaan qol yar oo uu wadaad fadhiyo magaalada Wanlaweyn oo 90KM u jirta magaalada Muqdisho, kadib markii Anisa reerkooda ay diideen in ay guursato Cabdi Cali oo muddo labbo sano ah is jeclaayeen.

Arintani ma ahayn wax suurogal ah sanad ka hor xiligaasi oo Alshabaab ay ka talinayeen Wanlaweyn iyo meelo kale oo Shabeelada Hoose ka tirsan.

Diin ahaan waa mas’alo la’isku qilaafsanyahay meher xadka iyo masaafada, balse culumada diinta qaarkood ayaa qaba in haddii waalidka gabadha laga fogaado 90km in gabadha ay mehersamayso ogolaansho la’aantooda.
Dad iyagu dadka haga ayaa kugu soo dhaweynaya magaalada kuwaasoo ku weeydiinaya in aad msaafo u socoto iyo in kale.

Sheekh Maxamed Salaad oo Wanlaweyn ku sugan ayaa sheegey in masaafada ay aad u korortay tan iyo intii Alshabaab meesha laga saaray. “Sanadkani intii uu biloowdey boqolaal ayaan isu meheriney, halkii sanadkii hore 10 iyo wax ka yar aan heli jirney” ayuu yiri Sheekha.

Sababaha la’isu masaafeysto waa kuwa kala duwan, dadka qaar waxay isu masaafeystaan iyaga oo fuquro ah oo aanan awoodin qarashka meherka, iyo kuwa kale oo iyaga isu masaafeysta iyagoo qilaafsan waalidkooda oo isu diidan.

Meherka waxa uu qaadanayaa mudo 20 daqiiqo ah, Calina waxa uu Sheekha siinayaa $20 doolar oo shaqada loo qabtay ah, waxayna meesha ka baxayaan iyaga oo wata warqadoodii cadaynta u ahayd in ay is qabaan.

Cali iyo Aniisa mudo ayay isa sii qarsanayaan ka hor inta aanan reerka loo sheegin oo aysan lamaanahani qoys buuxa noqonin.



_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:49 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada