Muuqaalka Heesta Dalxiis ee Fanaaniinta Dalmar Yare iyo Raxmo Rose oo Soo Baxday + Video

Muuqaalka Heesta Dalxiis ee Fanaaniinta Dalmar Yare iyo Raxmo Rose oo Soo Baxday + Video

daajis.com:-Dalmar yare iyo Raxmo rose ayaa soo saaray muuqaalka heestooda cusub ee talantaaliga ay u qaadayaan oo mudooyinkaanba la sugaayey

Fanaanka Dalmar yare oo bogiisa facebookga ku soo bandhigay qoraal kooban ayaa sheegay in waqti dheer iyo dabaal badan ka dib ay suurtogashay in la soo saaro heesta Dalxiis oo maalmihii ugu dembeeyey la saadaalinaayey iney hawada ku soo jirto.


Wuxuu fanaaanka uga mahadceliyey dhamaan shaqsiyaadkii ka qeybqaatay soo saarista heestan gaar ahaan Ahmed Ugaaska oo ah soo saaraha heesta ahna milkiilaha Somali Vip Studio ,iyadoo uu heestuna sameeyey abwaan Oorshe.

Fanaanada codka dahabiga leh ee Raxmo rose oo si talantaali ah heestan ula qaadeysa Dalmar ayaa muuqaalka heestan waxaa wejigeeda laga dareemayaa xamaasad iyadoo soo bandhigtay ciyaar wanaag aad u qurxoon.

Fanaaniin badan ayaa ku tartamaya mudooyinka masraxa fanka gaar ahaa muuqaalo heeso kala duwan oo u badan jaceyl,haseyeeshee fanaan walbo wuxuu leeyahay sifooyin u gaar ah oo ay taageerayaashiisu ku qiimeeyaan hadey ahaan laheyd cod, hab jiliin ama style.


_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada