WAXAA MAANTA SI RASMI AH U MIDOOBAY URADA AL-ISLAAX IYO DAM JADIID

WAXAA MAANTA SI RASMI AH U MIDOOBAY URADA AL-ISLAAX IYO DAM JADIID

daajis.com:-Munaasabada oo ay kasoo qeyb galeen culimaa’udiin Xildhibaano iyo Ururada Bulshada rayidka ayaa waxaa lagu mideynayay culimada Al Islaax oo mudooyinkaan dambe uu khilaaf soo kala dhexgalay una qeyb samay firqooyin ay kamid tahay firqada Soomaalidu utaqaano Damul Jadiid.

Waxaana ugu horeyn ka hadlay aas-aasihii Xarakada Al-Islaax Sheikh Maxamed Axmed Nuur Garyare wuxuuna sharaxay sanadii iyo qaabkii loo aasaasay Al-Islaax,isaga oo sheegay in 1978 la aas-aasay Ururka Al-islaax halgan dheerna uu soo maray Ururkaasi.

Sidoo kale Afhayeenka Hay’adda culimadda Soomaaliyeed Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo isna kamid ah aas-aasayaashii Ururka Al-Islaax ayaa sheegay in intii ka xun Burburka Culimadda ay ugu hambalyeynayaan Midowga Culimadda Soomaaliyeed Khilaafkii muddada soo socdana uu maanta ku eegyahay.

Ugu dambeyntii ayaa waxaa madasha laga aqriyay warsaxaafadeed ay siwadajir ah usoo saareen labada dhinac kaasi oo qodobadiisa ay kamid ahaayeen inay ku heshiiyeen in dib loo mideeyo Ururweynaha Al-Islaax si meesha looga saaro khilaafka soo noq noqday ee Damjadiid iyo Al islaax ka dhexjiray, hase yeeshee dhibaatada ka taagan gudaha dalka waa aya tahay khilaafka u dhaxeeyo culimada Soomaliyeed.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada