Qalab Adiga Oo Suuqa Iska Wareegaya Kuu Sheegaya In Fariin Ama Qof Uu Kaaga Soo Darsaday Facebook Oo La Soo Saaray.

Qalab Adiga Oo Suuqa Iska Wareegaya Kuu Sheegaya In Fariin Ama Qof Uu Kaaga Soo Darsaday Facebook Oo La Soo Saaray.

daajis.com:-Shirkad Britain ka dhisan ayaa ku guuleysatay in ay soo saarto Jijin ama Gacan gashi Qofkii wataa u sheegeysa marka Email loosoo diro ama Qof Saaxibkiis ah uu kulasoo xiriiro FACEBOOK-ga.

Jijintan oo lagu magacaabo +Embrace ayaa ku xiran Bluethooth xiriir lasii leh Telfoonka, waxayna ku shaqaynaysaa Barnaamij Internetka ku xiriirsan.

Marka aad Fariin Email ah hesho ama Bogga aad FACEBOOK-ga ku leedahay Wax lagugusoo qoro ayeey Jijintu bixinaysaa Tilmaamo Midabeysan, si ay kuugu war galiso arrintan.

Gacan gashigan wuxuu shaqayn karaa 10 Maalmood oo xiriir ah isagoo aan la Charge garayn ama Dab la galin. Sidoo kalena Maalintii wuxuu diri karayaa illaa 100 Tilmaamood oo Howlihiisa loogu tala galay ka mid ah.

Waxaa la filayaa in Jijintan lagusoo bandhigo Bisha soo socota Suuqyada Ingariiska iyadoo Midabyo kala duwan wadata, Qiimaheeduna uu noqonayo 47 Dollar.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada