Russia: Dad Ku Dhintay Dab ka Kacay Isbitaal

Russia: Dad Ku Dhintay Dab ka Kacay Isbitaal

daajis.com:-Saraakiisha wadanka Ruushka ayaa sheegay in dab ka kacay isbitaal lagu daryeelo dadka qaba xanuunada dhimirka oo ku yaalla meel u dhow magaalada Moscow, ay ku dhinteen 38 qof oo laba ka mid ahi ay ahaayeen shaqaale caafimaad sodon iyo lixna ay ahaayeen dad xanuunsan.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegtay in laba ka mid ah dadka xanuunsan iyo qof shaqaale ah ay ka baxsadeen dabka oo Jimcahan maanta ah ka kacay magaalada Ramensky.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in dabku uu si dhaqso ah ku faafay dhismahana uu burburiyey. Wakaalada wararka ee Faransiiska AFP ayaa sheegtay in dhismuhu uu ka sameysanaa alwaax lana dhisay sanadkii 1952dii.

Saraakiil u hadashay Wasaaradda Arrimaha Gurmadka deg-degga ah, ayaa sheegay in shaqaalaha dabdamisku ay isbitaalka yimaadeen saacad ka dib markii la soo wacay. Waxa ayna intaa ku dareen in dib u dhaca baabuurta dabdamiska ay keeneen jidka loo maro isbitaalka oo dhowr meelood ka xirnaa.

Ma jiro war sugan oo cadeynaya waxa dhaliyey dabka ka kacay isbitaalka.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:16 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada