Shabaab oo ku faanay in Saraakiil Jabutiyan ah qarax ku dileen iyo maamulka B/weyne iyo AMISOM beeniyay hadalkaasi

Shabaab oo ku faanay in Saraakiil Jabutiyan ah qarax ku dileen iyo maamulka B/weyne iyo AMISOM beeniyay hadalkaasi

daajis.com:-Kooxda Shabaab ayaa waxa ay sheegteen weerar ka dhacay B/weyne oo lala eegtay ciidamo Jabuutiyaan iyaga oo daaha ka rogay in ay ku dileen sedax askri oo Jabuutiyaan ah mid kalana ay ku dhaawaceen.


Warkaasi waxaa si isku mid ah u dafiray AMISOM iyo saraakiisha Police-ka magaalada B/weyne iyaga oo shaaciyay in weerarkaasi laba ruux oo shacab ah ay ku dhawacmeen.


Isman Dubad, Taliyaha ciidanka Jabuuti ee ku sugan B/weyne iyo Taliyaha ciidamada Booliska magaalada B/weyne Col. Isaaq Cali Cabdulle ayaa sheegay in qaraxaas uusan geysan wax khasaare ah oo soo gaaray ciidankii lala eegtay.

Qaraxaasi waxa uu Barqanimadii maanta ka dhacay meel ku dhow saldhiga Booliska magaalada B/weyne ee gobolka Hiiraan.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada