Shan Sanno Kadib Miyaan Shaki Ku Kala Tagnay ! Qormo Gaaban Iyo Qalinkii WaaSuge”

Shan Sanno Kadib Miyaan Shaki Ku Kala Tagnay ! Qormo Gaaban Iyo Qalinkii WaaSuge”


Saalaamulaahi Caleykum Dhamaan Saaxiibada Qiimaha Badan Meel KaSta Oo Aad Dunida Kaga NooShahiina Waxaan Idin Wada Leeyahay Maalinimo WanaagSan, Kuna Soo Dhawaada Qorma Gaaban Iyo Qalinkii WaaSuge Oo Aan Maanta Ku Soo Qaadan Doona QiSa Dhaba Hadii Rabi Ka Ahaad Raali.
Marka aad aragto diiwaanka qormada waxaa hubaal ah inaad il taxadar leh ku eegi doonto amaba aad gunta u dhaadhici doonto si aad u hubiso qormadaan maxeey ka hadli doontaa koleey diiwaankeedu waaba hal ku dhig macquulsan,waxaana sidoo kale jecelahahay in aad ku qanci doontaan qsida iyo waliba qoraalkeeda.
Xisaab laguma gaaro iyo qoraal qasaaraha iyo guul darooyinka soo gaarey dalka iyo dadka soomaaliyeed tan iyo bur burkii baahsanaa eek u habsaday mudada haatan kor u dhaafeeysa 20ka sanno taasina waxa aay ino noqotay in aad ciil,murugo,qoomama iyo waliba xanuuno fara badan ka dhigano sahay, kuwaa oo dadyowga kale ee nagala nool koonka hadii aanu u bandhigno ama uga sheekeyno aay aad iyo aad inoola yaabayaan.
Hadaba aan hoos u dhaadhaco oo aan ibada ka furo qisadaan aqristoow bal ila soco halka aan wax ka bilabi doono iyo halka aan salka u dhigi doonaba hadii Allaha awooda sare leh iga ogolado adinkana idinka yeelo.
Waxaan DaaQada Ka Saari Doona Magacyada Dhabta Ah Ee Leh Dhaxalka Qisada Aniga Oo Adegsan Doona Isla MagaCyo Kale Oo Soomaaliyeed Si Qoraalka FahamkiiSu Uu NoQodo Mid Waalax Ah.
SaCiid Iyo Zahra: Waxa aay ka mid ahaan jireen lamaanayaasha soomaaliyeed kuwooda ugu kalsoonida iyo aaminaada badan, kasa kow xariirka jaceyl ee ka dhaxeeyey waxa aay ahaayeen dad dhiig iyo dhalyo wadaag ah oo waxaa kale dhalay laba isla dhalatay, sidaa owgeed waxaa u wada baxay laba geed oo miro macaan leh kuwaas oo kale ahaa mid walaaltinimo iyo mid jaceylba, waa hubaal in aay hantiyeen nasiib aduun haduuba jirey waayo bilowgoodiiba waxa aay ka socod bilaabeen meel aan culeey laga filanneyn amar Alle Mooyane.
Waxaa dhax marey waqti mudan ka sheekeyn dad fara badana u noqdey tub iyo tusaale aay mari kareen taasina waxa aay sababtey in hal jaceylkoodi laga sameeyo hal ku dhigyo aay isticmaali jireen dadkii la waqtiga iyo waayaha ahaa ee deegaanka kula noolaa, taasina waxa aay marqaati ka tahay wanaagoodi iyo jaceylkooduba inuu waagaa ahaa mid dhaxal gal, dad badana is weydiin jireen jaceylku ma sidaan buu u macaanaa, mase dadkaan dhiiga ayaaba isuu macaaniyey xariirkooda iyo jaceylkoodan ugubka ah.
Mudo markii lagu wada noolaa hal meel oo qura dan aduun iyo daruufo jirey owgood waxaa lama huraan noqotey in saciid kasoo haajiro wadankii asagoo nolol ka wanaagsan midi uu ku jirey ka baadi goobayey qurbaha, islahaana bal wax ka badan mustaqbalkaada sidaan kuma dhismi karo e si wanaagsan iyo wada tashi dheer kadibna Zahra waxa aay kow ka aheed dadkii u duceeyeye SaCiid soona sagootiyey maalintii safarka, waloow aad garan karto qalbiyo wax jecel oo kala hayaamaya xanuunka iyo murugada dhax taal.
Saciid waxuu soo galay qurbo aan cidi uga horeyn Alle Weyne mooyaane waxuuna u jan jeersaday sidii uu ku xamaalan lahaa, maadaama dadkeeni intiisa badan uusan laheyn xirfado aay ku meel maraan waxna ku qabsadaan intaba, siciidna waxuu ka mid noqdeyn kumanaanta soomaaliyeed ee xoog maalatada ah kuna kale nool dunida dalacaladeeda, bal aan u kuur galno nolosha saciid iyo waxa uu ku taamayo mustaqbalka.
SaCiid: waxa aan ku han iyo hami weynaa inaan waqti kooban ku xamaasho kad dibna dib ugu laabto dalkii hooyo ee soomaaliya halkaana ka amba qaado nolol abuuritaanka shaqo aan ku dabari karo nolosheyda kana hir galin karo aqal dhiskeena aniga iyo sahra, sidas ayaan mar kasta ku hamin jirey hadi Alle laga helo.
5 Sanno ayey kala maqnaayeen “SaCiid & Sahra” waloow aay maalin kasta iyo mar kastaba wada xariirayeen inta badana waxa aay iska wareeysan jireen qofba marxalada uu marayo iyo rajooyinka haatan la sugayo sido kale sahra mar kasta iyo meel walba waxa aay ku waani jirtay saciid inuusan niyo jabin maadaama qurbaha sidii uu moodayey noqon waayey waxa aayna aheed qof la garab taagan taageero hiil iyo hooba ah wax kasta oo ay awoodana kama daba dhigan jiran,.
Saciid dhankiisana sidaas buu ahaa oo mar kasta waxuu niyada ugu jirtey meel mari hadafkaada oo ka mira dhali jaceylkaada, asagoo aad ugu mahad celin jirey Alle Swt ku maneeystey oo siiyey Sahra, SaCiid hal ku dhig u ahaa “Waan Soo SoCdaa Kow Dheh, Waxna Waan Sidaa Laba Dheh Saharaay Ha Fududaan Samir Yeelo Waligaa” Waa HeeStii Saxarla Iyo Allaha U NaXariistee Codkii Maxamed Mooge Liibaan.
Dhanka sahrana waxaa hal ku dhig u ahaa “HindiSahu Siduu Qabbo, Hadmaad Imaan Bal Isheek, Had & Jeer Waan Ku Sugayaa” HeeStii Hayaan Iyo Codkii MaCaana BoQoradii Codka Maama Xaliima Qaliif “Magool”, waa astaan muujineeysa in dadkaani yahiin jilib culesys maadama heesaha aay is weedaarsanayaan aad ka dhadhan kareeyso maskaxdooda, tallow maxa xigi doona.
“DuluCda Sheekada Iyo Shan Sanno Ka Dib Miyaan Shaki Ku Kale Tagney” Gaba Gabadii QiSada”
SaCiid: Habeen mugdi iyo muruga badan ayeey aheed waxaan kaligeey jiifey sariirta oo waxaan ka imid shaqada waan daalanaa oo banaanka uma baxin habeenkaa waxaana islahaa la sheekeeyso sahra ilaa laga gaaro waqtiga jiifka, laakin sida aan wax u rabay uma aaysan dhicin ee sida Alle Swt wax u rabay ayeey noqotey, waxaa qadka soo gashay sahra oo xad dhaaf u xanaaqsan gaadhana heer aay I aflagaadeyso kadib waan yaabana oo aan islahaa maxaa heley gabadhii,.

Waxaan isku dayey inaan ka sal gaaro waxa sahra ku kalifey markeedii ugu horeeyey in aay I aflagaadeeyso kadibna waan iska dhageeystey waxeey doonto ama dhahi karto ayeey itiri marka aay daashana waxaan ku iri maxaan ku muteeystay xumaantaas oo dhan abayo waxa aay iigu jawaabtey “Jawaab Aan Ii Qalmin Waliba Aad U Liidata Waayo Ma Dhama Xataa Wax Loo QabSado Sabbiga Dhalaanka Ah, Waan Isku Dayey Inaan Ka Xal Gaaro Waxii Dhacay Laakin Sahra Waxa Aay U Qaadatay Wanaageyga Inaan Wax Ka Qarinaa, Ilaa Markee Danbe Aay Igu Ehbisey Inanan Soo WaCin Taleefoonkeeda, Wax KaSta Waa DhaCaan Laakin Waxaa Ugu Xanuun Badan Qalad Aadan Galin Mar CinQaabtiisa MaSana Ku Waan Ku Guul Dareystey Inaan Habeenkaa Sahra QanCiyo/Xaliyo”
Waxaan gaarey go,aan ah hadii aay uu soo baxo qaladkaas inaan galay inaan ku qanciyo guur oo aanan uga dhigi hadiyad, hadii aan bari ka ahaa oo aanan sameynin qaladkaana waxaan go,aansadey inaan sidaas ku kale dhamaano aniga iyo walaasheyda marna gacalisadeeyda Sahara, maalmo kooban ka dibna waxaa soo baxday in aan bari ka ahaa waxii dhacay oo dhan markaab weeydiyey sahara hadal waxa aay iigu soo kobtey waan shakiyey, anigana waxaan ugu jawaabey shan sanno kadib miyaan shaki ku kale tagney Nabaadiino”.
Sidaas Ayaana Ku Kale Tagney Waxaa iga waano ah lamaanayaasha soomaaliyeed in aaysan ku fududaan shakiga oo aaysan seef la bood noqon, kaba sii darane aaysan qofka bani aadamka ah ku xad gubin o oaf lagaado aaysan u geeysan waayo waaa xaaraam inaad qof bani aadam ah af lagaadeeyso Walaaal/Walaashey.
By: Milkiilaha Qisadaan “SaCiid & Sahra ”
Qalinka: Ismail Abdi Aden “WaaSuge”

_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada