Wasiiro kasocday Dalka Finland oo maanta soo gaaray Muqdisho kulamana la qaatay Madaxda Dalka(Daawo Sawirada)

Wasiiro kasocday Dalka Finland oo maanta soo gaaray Muqdisho kulamana la qaatay Madaxda Dalka(Daawo Sawirada)


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Sheekh Maxamud ayaa maanta waxaa Madaxtooyadda ku soo booqday wafdi uu hogaaminayay Wasiirka arimaha dibadda ee dalka Finland Mudane Erkki Tuomioja .

Madaxweynaha ayaa waxaa wehliyay R/Wasaare K/Xigeenka ahnaWasiirka arimaha dibadda Marwo Fowsiyo Yusuf Xaaji Aadan, Wasiirka arrimaha bulshadda Marwo Maryan Qaasim, iyo Wasiirka Qeyraadka Mudane Cabdi Rizaaq Cumar Maxamed.

Sidoo kale dhanka Finland waxaa ka socday Wasiirka horumarinta Marwo Heidi Hautala iyo Safiirka Finland u qaabilsan Soomaaliya Marwo Sofie From- Emmesberger.Madaxweynaha ayaa wafdiga ku soo dhaweeyay Soomaaliya una sheegay in is-bedel dhab ah uu ka dhacay Soomaaliya.

“ Waxaa ka go’an dowladda in ay 5 mashruuc ka hir-geliso degmooyinka dalka. Mashruucyada ayaa waxaa ay kala yihiin Iskool, Isbitaal yar, Xarun Boolis,Xarunta Maamulka Degmadda, iyo Ceel.” Ayuu yiri Madaxweynaha mar uu ka warbixiyay qorshaha dowladda.

Ugu danbeytii ayuu Madaxeynaha ka codsaday in ay dowladda Finland ka qeyb qaadato dib-u-dhiska Soomaaliya. Waxaa kale uu kaga mahad celiyay sida sharfta leh ay dalkooda ugu soo dhaweeyeen shacab Soomaaliyeed oo dhibaateysnaa.




_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:07 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada