Al-shabaab oo lacago ku xiray hir-gelinta qorshe lagula dagaali lahaa jaahilnimada

Al-shabaab oo lacago ku xiray hir-gelinta qorshe lagula dagaali lahaa jaahilnimada

daajis.com:-kooxda Shabaab ayaa joojisay dhismaha iskuul wax-barasho oo ka socday deegaanka May-kareebe ee degmada Garbahaarrey ee gobolka Gedo ee koofurta Soomaaliya.

Shabaab ayaa joojinta dhismaha iskuulka ku dhiiratay kadib markii ay ku andacootay in mashruuca dhismaha iskuulka ay wataan hay’ado ka tirsan Qaramada Midoobay oo horay ay u mamnuuceen shaqooyinkooda.

Guddiga dhismaha iskuulka ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay eedeynta Shabaab, iyaga oo qolyaha dhisaya ku sheegay qurbo joog u dhalatay gobolka Gedo kuwaas oo tabarruc ahaan lacagta ku baxeysa dhismaha iskuulka u bixiyay

Shabaab ayaa dalbatay lacag canshuur ah oo dhan tahay $1,500 si ay u fasaxaan dhismaha iskuulka.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada