Mucjiso Subxaanalaah : Mucaaradka Sriya Oo Faagay Qabrigii Xajar Binu Cadiyi , Maxay Kala Kulmeen Ka Dib..

Mucjiso Subxaanalaah : Mucaaradka Sriya Oo Faagay Qabrigii Xajar Binu Cadiyi , Maxay Kala Kulmeen Ka Dib..

daajis.com:-Warbaahinta Carabta iyo kuwa Islaamka intooda badan ayaa hadal haya Fal ay ku kaceen Kooxo hubaysan oo Syria jooga, kuwaas oo faagay Qabri uu ku aasanyahay Saxaabi ka mid ah Asxaabtii waa wayneyd ee Nabigeena (NNKH) isla markaana la baxay Meydkii Saxaabiga.

Kooxaha Hubaysan ayaa faagay Qabriga Saxaabigan oo lagu magacaabo Xajar Binu Cadiyi (Ilaahay haka raali ahaadee), wuxuuna Qabrigu ku yiilay Deegaanka Cadra oo ah Baadiyaha Dimishiq.

Meydkii ayeey la bexeen, waxayna ku aaseen Meel kale oo aan la garanayn sida Warbaahintu ay kasoo xigatay Ilo-wareed Xog ogaal ah.
Kooxda ayaa sida la sheegay waxay burburisay oo ay si xun u gashay Halkii uu Meydku ku aasnaa,
Arrinta lala yaabay oo Warbaahintuna ay hadal heyso waxay tahay in Kooxdii Meydka faagaysay ay heleen Meydka Saxaabiga oo la moodo in Daqiiqado ka hor un la aasay, marka la eego sida aanu Jirkiisu wali isku badalin, inkastoo Waqti Kun Sano ku dhaw uu aasanyahay.
Warar lagusoo qoray Barta Xiriirka Bulshada ee Twitter-ka ayaa lagu sheegay in Ciidamada Xorta ah ee Syria ay faageen Qabriga ka gadaal markii halkaas ay noqotay sida lagu yiri Wararkaas Goob Xarun u ah Shirkiga iyo Falalka Ilaahay uusan raali ka ahayn, iyadoo Saxaabigana lagu tilmaamay mid ka mida Tiirarka Shiicada sida ay Warbaahintu kasoo xigatay Bartaas Twitter-ka.
Culimo badan oo Muslimiin ah ayaa dhaleeceeyay Falkan lagu xumeeyay Meydka Saxaabiga.
Saxaabigan waxaa lagu magacaabaa Xajar Binu Cadi, waxaana lagu naaneysaa Al-Adbari ama Abu Cabdiraxmaan.
Sidoo kale waxaa loo aqoon jiray Xajar Al-Kheyr, isagoona Rasuulka Caleeyhi Al-Salaam la kulmay intii uu noolaa, kana qayb galay Dagaalkii Al-Qaadisiyah.
Markii Muslimiintu kala qaybsameen Xilligii Imaam Cali Ibnu Abi Daalib, wuxuu Saxaabiga la safnaa Imaa Cali, waxaana Sanadkii 51 ee Hijiriyada dilay Ciidamadii Mucaawiya Binu Abi Sufyaan ee la dirirayay Imaam Cali.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada