Bogagga Xiriirka Bulshada Ee Facebook, Twitter, Google+ oo Tartan ku kala haray! (YAA horeeya iminka)

Bogagga Xiriirka Bulshada Ee Facebook, Twitter, Google+ oo Tartan ku kala haray! (YAA horeeya iminka)

daajis.com:-Barta Xiriirka Bulshada ee Google+ ayaa ka sare martay Barta kale ee Twitter, marka laga eego dhanka Macaamiisha ku xiran, taas oo ka dhigtay Google+ Barta labaad ee ku xigta Facebook xaga isticmaalka Dadweynaha. Sidaasina waxaa shaacisay Shirkadda lagu magacaabo GlobalWebIndex.

Shirkadan ayaa ka hadashay Sababta keentay inay Google+ ka sare marto Twitter. Waxayna xustay in iminka Dad gaaraya 359 Milyan oo Adeegsadayaal ahi ay ku xiranyihiin Bartaas, kuwaas oo 33% ka sare maray Tiradii Dhamaadkii June, 2012-ka ku xirneyd Barta oo gaaraysay 269 Milyan.
Dadaal dheeraad ah oo ay Shirkada Google ku bixisay sidii ay u samayn lahayd isku xir hagaagsan oo u dhexeeya dhamaan Adeegyadeeda oo ay ku jiraan Youtube iyo Gmail iyo waliba qaybta Maps-ka ama Qariidadaha laga helo ayaa hormuud u noqotay sare u kaca Dadka isticmaalo Google+.
Wali Shirkada Google kama aysan warbixin Tirada Adeegsadayaasheeda ee kusoo kordhay Barta Xiriirka Bulshada ee ay Shirkadani leedahay. Balse Bishii December ee tagtay ayeey Shirkadu shaaisay in Dadka gaaraya 500 oo Milyan ay Xisaabaad ku yeesheen Bartaasi Google+.
Dadkaasi ay Shirkadu sheegtay inay kusoo xirmeen Barteeda Google+ ayaa isugu jira 135 Milyan oo wax kusoo bandhiga Barta si toos ahna ugu xiran adeegyadeeda kala duwan, iyo in ka badan Tiradaas oo iyaguna ku siman kaliya inay ku dhuftaan Badhanka 1+ oo lagu muujiyo la dhacsanaanta waxyaabaha qaar ee lagusoo bandhigo Bartaas.
Inkastoo Google+ ay sare u kac sameysay oo ay noqotay Barta 2-aad ee ugu isticmaalka badan Dunida, hadana Twitter ayaa iyadu wali waxay ku dadaalaysaa inay sii horumariso Adeegyadeeda.
Dabayaaqadii June ee Sanadkii tagay waxay Twitter heysatay Macaamiil gaaraysa 206 Milyan, balse iminka waxay gaareen 297 Milyan oo Qof, waana sare u kac gaaraya 44%.
Shirkada Warbixintan soo saartay ayaa ku gaba-gabeysay in sare u kacan ku imaanaya Macaamiisha ku xiran Shabakadaha Xiriirka Bulshada ay meesha ka saareyso Aragtidii ay Dadka qaar qabeen oo ahayd in Shabakadahaas ay yihiin kuwo ay Dhalinyarada un isticmaalaan.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada