Qalin Kuu Saxaya Marka Aad Qoraalka Qalado (Arag sida yaabka leh ee uu kuu saxayo!!)

Qalin Kuu Saxaya Marka Aad Qoraalka Qalado (Arag sida yaabka leh ee uu kuu saxayo!!)

daajis.com:-Inkastoo Tiknoloojiyadda Caalamku ay usoo socodo dhinac lagusii yareynayo adeegsiga Qalimaanta Qadda ku shaqaynaya, hadana Aqoonyahanno ayaa hormariyay adeegsiga Qalinka, iyagoo soo saaray Qalin ka caawinaya Qofka wax qoraya inuu Gacantiisa adegsado.

Maqaal lagu qoray Wargeyska Time oo Mataanka la ah Telefishinka CNN ayaa lagusoo bandhigay sida uu u shaqaynayo Qalinkan cusub oo lagu magacaabo Lernstift.
Qalinku wuxuu wataa Aalad la shaqaynaysa dhaq-dhaqaaqa Gacanta, isla markaana ka dhigeysa Qalinka mid gariiraya marka uu Qofka wax qorayaa Qalad xaga Qoraalka ahi sameeyo.
Waxaa suurtagal ah baa la yiri in Mustaqbalka la horumariyo Qalinkan si loogu xiro Internetka aan Fiilada ku shaqayneyn ee Wi-Fi la yiraa, markaas oo lagu biirinayo Barnaamijyo gaar u ah Qalinka oo Adeegsadayaashiisa u sahalaya inay Aalado kala duwan ku xiraan.
Shirkadda Qalinka sameysay waxay cadeeysay in Danta laga leeyahay ay tahay Waxbarasho un, balse aanay ahayn in la isku saxo.
Adeegsigiisa waxay noqon karaan labo meelood oo tan hore ay tahay in lagu ogaado Qaladka Qoraalada Xarfaha, markaas oo uu Qalinka hal mar Gariir samaynayo.
Tan kalena waxaa weeye marka Qalad laga garo yeeriska Xarfaha, xilligaasna mar qura ayuu Qalinku gariirayaa, isagoo Laba jeer oo kalena gariiraya si uu kuu tuso halka Qaladkaasu uu ka jiro.Balse Qalinku uma sheegayo qofka adeegsanaya qaabka uu Qaladku yahay, sidoo kalena isagu ma saxayo Qaladkaas.
Shirkada Qalinkan soo saartay oo Jarmalka fariisata, ayaa waxay wajahday Caqabado dhowr ah, waxaana ka mid ah iyadoo u baahan Dhaqaale gaaraya 200 Kun illaa Milyan Yuuro si ay Qalinka ugusoo saarto uguna Suuq geyso, hadii kalena waxay noqonaysaa inay iibiso Fikiradda Qalinka si ay Shirkad kale uga faa’ideysato.
Caqabada kalena waxaa weeye kala duwanaashaha Qaababka ay Dadka Caalamku u sameeyaan Wax qorista, iyo waliba Gariirka joogtada ah ee uu Qalinku sameynayo xitaa marka Qoraalku uu saxanyahay, taas oo Qofka Wax baranaya ee dhalinyarada ahi cabsi galinaysa.
Inkastoo Dadka Shirkada ka tirsani aanay xadidin Qiimaha Qalinka ee Lacageed, hadana Shirkaddu waxay sheegtay Lacagta ku keceysa soo saaristiisa oo gaaraysa 50 illaa 80 Yuuro.
Shirkaduna waxay rajaynaysaa inay awood u hesho soo saarista Nusqo ama Tusaale kooban oo Qalinka ah Xagaaga soo socda.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada