Roberto Mancini Oo Sii Shaaciyay Goolhayaha Uu Ku Soo Bilaabi Doono Finalka FA Cup Joe Hart Ama Pantilimon.

Roberto Mancini Oo Sii Shaaciyay Goolhayaha Uu Ku Soo Bilaabi Doono Finalka FA Cup Joe Hart Ama Pantilimon.

daajis.com:-Tababaraha Manchester City Roberto Mancini ayaa xaqiijiyay inuu ku soo bilaabi doono goolhaye Costel Pantilimon kulanka sabtida ee finalka FA Cup ee ay la leeyihiin Wigan Athletic.

Goolhayaha reer Romania ayaa ciyaaray inta badan kulamada koobabka maxaliga ee Manchester City xilli ciyaareedkan, Mancini ayaana rumeysan inaysan cadaalad aheyn inuu bedelo siyaasadiisa soo xulashada kulanka finalka ee Wembley ka dhacaya.
Mancini ayaa markii la weydiiyay hadii Joe Hart uu u soo xulan doono kulanka finalka FA Cup waxa uu ku jawaabay: “Uma maleynayo.
“Waxaan go’aansanay arintaan bilowgii xilli ciyaareedka. Pantilimon ayaana u qalma inuu ciyaaro.
“Joe waxa uu ku guuleystay FA Cup labo sannadood ka hor, waxa uu ku guuleystay Premier League sannadkii hore, waa goolhayaha ugu fiican England, waxaana qabaa inuu ku faraxsanaan doono in goolhayahiisa labaad inuu ciyaaro kulan weyn.
“Waan ogahay inuu doonayo inuu ciyaaro laakiin waxaa go’aansanay bilowgii xilli ciyaareedka in labada koob ee FA Cup iyo Capital One Cup inuu safto Pantilimon.”
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada