War Deg Deg Ah Wadooyinka Muhiimka ee Muqdisho oo mar kale la xiray iyo Shacabka oo Jahwareer lasoo darsay

War Deg Deg Ah Wadooyinka Muhiimka ee Muqdisho oo mar kale la xiray iyo Shacabka oo Jahwareer lasoo darsay

daajis.com:-Waxaa Daqiiqado yar kahor la xiray Qaar kamid ah Wadooyinka Muhiimka ah ee Magaalada Muqdisho gaar ahaan Wadooyinkii Maalmo kahor xayiraada la saaray ee loo diiday Isticmaalka gaadiidka dadweynaha.


Wadooyinka goordhaw la xiray ayaa waxaa kamid ah Laamiga Maka Al-Mukarama ilaa Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho halkaas oo lasoo dhigay ciidamo tiro badan oo katirsan Dowlada Soomaaliya.

Ciidamada ayaana durba laamiga dhagxaan ku xiray iyagoona u diidaya in gaadiidka dadweynaha isticmaalaan Wadooyinkaasi , lamana oga ujeedka ka dambeeya in mar kale dib loo xiro Wadooyinka Hal boolaha u ah Magaalada Muqdisho.

Dad isticmaala wadooyinkaasi iyo kuwa ku ganacsada ayaa jahwareer lasoo darsay waxa eena ka wal walsan yihiin inta wadooyinkaasi ee sii xir naanayaan , iyadoona aan la ogeyn xirnaashaha wadooyinka in ee saacado qaadan doonto iyo in ee sii socon doonto.

Daraad un bay aheed markii Wadooyinkaasi dib loo furay iyadoona durba maalintii shalay uu halkaasi ka dhacay Qarax Ismiidaamin ah oo loo adeegsaday Gaari Waxyaabaha Qarxa laga soo buuxiyay kaa oo galaaftay nolosha dad badan oo rayid ahaa.

Dowlada Soomaaliya ayaana sheegtay Sababhihii Maalmo kahor ee wadooyinka u xireen in ee aheed kahor taga Falal arga gaxiso oo qaarkood lagu guuleestay in la fashiliyo , waxa uuna Madaxweynaha Sheegay in Dowlada ka hortagtay Todobaad ee Shabaab ugu magac dareen Cadaabka Soomaaliy ee doonayeen in magaalada ku arga gax galiyaan.


Waxii Warar ah ee kusoo kordha Kala Soco Wararkayaga Dambe Insha Allah
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:09 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada