AMISOM oo Xirtay Idaacad ku Taalla Beledweyne

AMISOM oo Xirtay Idaacad ku Taalla Beledweyne

daajis.com:-Ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Beledweyne ay xiray lana wareegay qalabka idaacad la yiraahdo Codka Bartamaha oo fadhigeedu yahay magaaladaasi.

Ciidamada AMISOM ayaa sidoo kale idaacaddaasi ka kaxeystay agaasimihii iyo tafatirihii idaacadda.

Taliyaha cidiamada AMISOM ee gobolka Hiiraan, Col. Cismaan Dubbad ayaa sheegay in xiritaanka idaacaddan uu ka danbeeyo, kadib markii idaacaddu ay baahisay warar been abuur ahoo sheegayay in ururka al-Shabab uu qabsaday meel u dhow magaalada Beledweyne.

Uururka midowga Suxufiyiinta Soomaalida ayaa canbaareeyey xiritaanka idaacaddan, waxayna AMISOM ugu baaqeen inay sii deysay shaqaalaha idaacadda ee ay xirtay. 

Dhinaca kalena, Milkiilaha idaacadda Ahmed Sheekh Nuur Cirro ayaa ka hadlay xadhiga idaacaddan, isagoo difaacay warka ay idaacaddu tabisay oo uu sheegay inuu ahaa war ay ka heleen goob-joogayaal isla markaana idaacaddu ay hubisay intaan la sii deyn.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:52 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada