Sheekh katirsan Al-Shabaab oo shalay Wiilkiisa la toogtay oo si kulul u caayay Faroole kana sheekeeyay Qaabka Wiilkiisa loo dilay

Sheekh katirsan Al-Shabaab oo shalay Wiilkiisa la toogtay oo si kulul u caayay Faroole kana sheekeeyay Qaabka Wiilkiisa loo dilay

daajis.com:-Sheekh Xasan Maxamuud Takar oo kamid ah Wadaada Caanka ah ee sida weyn u taageersan Xarakada Al-Shabaab kana Yimid Dalka Ingiriiska ayaa si kulul uga hadlay Dil maalintii shalay lagu fuliyay 13-qof Magaalada Boosaaso uu ku jiray Wiil uu isagu dhalay.

Sheekh Takar ayaa sheegay in dadkii shalay lagu toogtay Magaalada Boosaaso uu ku jiray Wiilkiisa dilkooda uu ahaa gardaro cad uuna Xukunka Dilkaasi ka dambeeyay Madaxweynaha Maamulka Puntland C/Raxmaan Faroole iyo kuwa isaga daacad u ah .

Sheekh Xasan Takar ayaa Xusay in Wiilkiiisa la xiray April 2010-kii Xiligii uu jiray 17-sano laguna Magacaabi jiray Cabdala Sheekh Xasan Takar, waxa uuna xusay in xariga Wiilkiisa uu ka dambeeyay kadib markii la doonayay in isaga la xiro hasa ahaatee uu kasoo baxsaday Puntland kadibna Wiilkiisa sidaa loo xiray isaga oo lagu eedeenayo in uu Al-Shabaab yahay.

Waxa kale Sheegay Sheekh Takar in Wiilkiisa marar tiro badan Maxkamadaha Puntland lasoo taagay ayna wax Dambe ah ku waayeen balse markii Dambe Warqad uu ku sheegay Degreeto Madaxweyne oo kasoo Baxday Madaxweynaha Puntland C/Raxmaan FarooleDil lagula xukumay Wiilkiisa iyo Dhalinyaro kale.


‘’ Waxaan Idin Sheegayaa C/Raxmaan Faroole hadeer oo la joogo ayuu diidan yahay in la dhiso Masaajida , waxa kale uu diidan yahay in Diinta islaamka la barto xitaa waxaa uu la dagaalamayaa Xijaabka iyo Gabadha Muslimaadka ah , Dadkii Dugsiyada Quraanka dhiganayay ayaa maalin walbo xabsiyada lagu gurayaa ‘’ ayuu Yiri Sheekh Xasan Takar.

Wadaadkan katirsan Al-Shabaab ayaa cadeeyay in aysan caqiidadiisa wax isbadal ah ku keeni doonin Dilka Wiilkiisa lagu fuliyay uuna ku taagnaan doono Wadada toosan ilaamaa isaga iyo inta lamidka ah la dilo iyaga oo xaqa ku taagan sida dadkii shalay Boosaaso lagu toogtay oo kale.

Sheekh Xasan Takar oo aad uga careesnaa Dilka Wiilkiisa iyo dadkii kale lagu fuliyay ayaa si kulul u weeraray una Caayay Madaxweynaha Puntlnad C/Raxmaan Faroole , waxa uuna Xusay in Wiilkiisa la dilay uu ahaa Arday Dhiganayay Jaamacada Muqdisho Xarunteeda Boosaaso.


‘’Faroole waa Nin Aqasu Naas ah , waa Nin Doqon oo nacas ah oo lawada yaqaano oo xitaa marka uu hadlayo lagu yaq yaqsado oo ujeedadiisa kaliya ee tahay in lacag iska buuxsado , waxaana been u sheegayaa Baasaboorka Beenta ah ee Austraila uu wato , waxa uuna ka shaqeenayaa in Shacabku iscuno , waad aragtaa Dulmiga uu Maanta Faroole u dilay Wiilkayga in aan raali ka aheyn in dad wax galabsan la iska laayo ayuu yiri ‘’ Sheekh Xasan Takar oo Caro Xoogan ka muuqatay.

Hadalkan kulul ee kasoo yeeray Sheekh Xasan Maxamuud Takar ayaa kusoo aadaya xili Maalintii shalay Maxkamad kutaala Magaalada Boosaaso Xukun dil ah ku fulisay 13-qof oo mid kamid ah Haweeney aheed kuwaa oo lagu eedeeyay in Al-Shabaab katirsanaayeen Dilal iyo Qaraxyana ka fuliyeen Deegaano katirsan Puntland.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada