Line-upka Rasmiga E Barca v Bayern: Messi Oo Kursiga Keyd Ku Bilaabanaya, & Mandzukic Oo Bayern U Soo Laabtay.

Line-upka Rasmiga E Barca v Bayern: Messi Oo Kursiga Keyd Ku Bilaabanaya, & Mandzukic Oo Bayern U Soo Laabtay.

daajis.com:-Tababare Tito Vilanova ayaa go’aan weyn gaaray isagoo kursiga keydka ku soo bilaabaya Lionel Messi, xilli weeraryahanka reer Argentina uu kulankii ugu danbeeyay ee La Liga uu kursiga keydka soo kacay islamarkaana kooxdiisa uu gool u dhaliyay kulankii ay la ciyaareen Athletic Bilabo.

Waxaana macalinka uu booska sagaalka beenta ah ka ciyaarsiinayaan Fabregas, iyadoo Song uu booska burburiyaha u jooga, halka Bartra uu mar kale daafac dhexe ku wehlinayo Pique.
Dhanka kale tababaraha kooxda Bayern Munich ayaa labo bedel ku sameeyay line-upkiisii uu 4-0 kaga badiyay Barcelona lugtii hore. Mandzukic ayaa ka soo laabtay ganaax isagoo booskiisa afka hore ku soo laabtay xalka Gomez uu kursiga keydka fadhiyo.
Dhinaca kale kale Dante ayaa isna booska u baneeyay Van Buyten kaasoo ay iska garab ciyaarayaan daafac dhexe Boateng.
Barcelona: Valdés; Alves, Pique, Bartra, Adriano; Xavi, Song, Iniesta; Pedro, Fabregas Villa.
Keyd: Pinto, Montoya, Thiago Alcántara, Dos Santos, Alexis Sánchez, Messi, Tello
Bayern Munich: Neuer; Lahm, Boateng, Van Buyten, Alaba; Martinez, Schweinsteiger; Robben, Muller, Ribery; Mandzukic.
Keydk: Starke – Dante, Shaqiri, Rafinha, Luiz Gustavo, Gomez, Tymoshchuk.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:07 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada