Angelina Jolie oo Filimkeeda Cusub ee Dhaqaalaha Caruurta Africa ugu aruurinayso ka bilabysa London

Angelina Jolie oo Filimkeeda Cusub ee Dhaqaalaha Caruurta Africa ugu aruurinayso ka bilabysa London

daajis.com:-Actarda Caanka ah ee ka soo jeeda Dalka Maraykanka Angelina Jolie oo iminka ku sugan Magaalada London ayaa lugu wadaa in Filimkeeda cusub ee dhaqaalaha ugu aruurinayso caruurta Africa ka bilowdo Magaalada London .


Filimkaan oo la sheegay in uu yahay mid ay ku dhigi doonto dalal dhoor ah waxa uuna filimkaa uu yahay mid ay xooga ku saari doonto xaaladaha ka jira Qaaradda Africa haba u badnaadeenee dhibootinka ka dhasha abaaraha .

Actaradaa Caanka ah ayaa bartamahii sandkii tagay waxa ay socdaal ku timid Dalka Kenya gaar ahaan xerada Qaxootiga dhadhaab halkaa oo aay booqasho ku timid waxana laga yabaa in ay filimkeedaa ku soo darsan doonto socdaalkaa inkastoo ay sheegtay in aay ku dadaali doonto sidii dadkaa caawintooda gacan uga gaysan lahayd .

Filimkaa cusub waxaa ku baxi doonta lacag lugu qiyaasay in kabadan 25,000 ama 35,000 pounds waxaana filimka uu ahaan doonaa mid inta ay jilayso dhaqaalaha ka soo xerooda ay ku caawin doonto caruurta Africa sida ay sheegtay .
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 05:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada