Arsenal, Chelsea & Tottenham; Kooxdee Seegi Doonta Champions League Xilli Ciyaareedka Danbe?

Arsenal, Chelsea & Tottenham; Kooxdee Seegi Doonta Champions League Xilli Ciyaareedka Danbe?

daajis.com:-Tartanka boosaska Champions League ee horyaalka Premier League ayaa maraya meel xiiso badan, iyadoo seddexda kooxood ee reer London ay isku heystaan labada boos ee ka banaan afarta kooxood ee ugu sareysa horyaalka.

Haatan waxaa kaalinta seddexaad fadhisa Chelsea oo leh 68 dhibcood, Arsenal waxa ay ku jirtaa kaalinta 4aad iyagoo leh 67 dhibcood halka Tottenham ay ku jirto kaalinta 5aad islamarkaana ay leeyihiin 65 dhibcood.
Arsenal waxaa u hartay labo kulan, halka Chelsea iyo Tottenham uu kulan u baaqday, kulankaasna waxaa la ciyaari doonaa habeen danbe iyadoo labada kooxood ay iska horimaan doonaan.
Kulanka habeen danbe ayaa ah kulanka ugu muhimsan xilli ciyaareedka ee seddexaan kooxood, waxaana uu go’aansan doonaa wax badan.
Chelsea ayaa martigelineysa Spurs hadii ay badiyaan waxa ay tagi doonaan 71 dhibcood iyagoo afar dhibcood ka sareyn doona Arsenal iyo lix dhibcood oo ay ka sareyn doonaan Spurs iyadoo horyaalka ay labo kulan kaliya ka harsanaan doonto.
Madaama farqiga goolasha ay Chelsea aad uga fiican tahay Tottenham, guul ay habeen danbe gaaraan Blues waxa ay u xaqiijin doontaa inay ku dhameysan doonaan afarta kooxood ee horyaalka ugu sareysa waxaana ay u soo bixi doonaan Champions League.
Si kastaba, hadii Spurs ay badiso waxa ay geli doonaan kaalinta 4aad iyadoo Arsenal ay u dhici doonto kaalinta 5aad, taasoo wax walba sii adkeyn doonta, islamarkaana sababi doonta in lagu kala baxo ilaa kulanka ugu danbeeya xilli ciyaareedka.
Hadii barbaro ay galaan habeen danbe  Blues iyo Spurs iyadana kaba sii daran oo wax walba ayaa noqon doona mid la isla gaaro daqiiqada ugu danbeysa.
Tartanka labada boos ee Champions League ayaa ah mid xiiso badan oo ilgaar ah u baahan in lagu eego, laakiin waxaa jiri doona koox oohin ku dhameysan doonta xilli ciyaareedka halka labo kooxood kale ay farxad ku dhameysan doonaan. Yaa seddexdaan kooxood seegi doona Champions League xilli ciyaareedka danbe.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada