Wiil dhalin yaro ah oo ku nool Magaalada Boorame oo Qarash Ka Sameeyay baalashle ama kabo luujiteys!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)

Wiil dhalin yaro ah oo ku nool Magaalada Boorame oo Qarash Ka Sameeyay baalashle ama kabo luujiteys!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)

daajis.com:-Wiil dhalin yaro ah oo ku nool magaalada Boorame islamarkaana ah baalashle ama dhalinyarada kabaha luujiteysa ayaa waxaa la sheegay inuu shaqadaas uu ka sameeyey dhaqaale wanaagsan oo keenay in asaga loo shaqeeyo. 


Wiilkaan oo lagu magacaabo Badri oo ku nool magaalada Boorame ayaa waxaa la sheegay inuu yahay baalashle ama caseeye ama dhalinyarada ka shaqeysa nadiifinta kabaha, wiilkaan oo mudo ku dhex jirey arintaas ayaa waxaa u suuro gashay inuu ka sameeyey lacag fiican ka dibna uu lacagtaas ku iibsaday Bas iyadoona uu baskaas uu hada ka dhex shaqeeyo magaalooyinka Hargeysa iyo Boorama islamrkaana uu wiilkaas yahay millkiilaha baskaas oo uuna ugu shaqeeyo nin saaxiibo yihiin, wiilkaan oo iminka wax ka luujiteeyo jaamacada magaalada Boorame ayaa waxaa uu yahay mid ay ardeyda jaamcada ay u hayaan ixtiramaam wanaagsan islamarkaana ah nin ka caan ah ardeyda iyo dhamaan magaalada Boorame. 

Ugu dambeyntiina iyadoo arinta uu wiilkaas sameeyey ay tusaale wanaagsan u tahay in wax walba oo lagu dadaalo laga miro dhalin karo ayaa wiilkaas inkastoo uu hada yahay nin loo shaqeeyo waxaa uu wali sii wadaa shaqadiisii baalaashlaha ahayd asagoona sheegay inuusan marnaba joojineynin shaqadaas maadaama ay tahay asaaska guusha uu gaaray, Howsha iyo dadaalka uu Wiilkaan sameeyey ayaa waxaa kale oo ay tusaale u tahay qaar badan oo ka mid ah dhalinyarada Soomaaliyeed oo aaminsan in dalka gudihiisa aysan waxba oolin oo aan waxba laga qabsan karin arintaas oo sida muuqato uu beeniyey wiilkaas dhalinyarada ah maadaama asagoo dalka aan ka bixin uu maanta yahay milkiilaha baskaas loogu shaqeeyo. 
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada