Somaliland oo aan ka qeyb galeyn shirka London iyo Axsaabta Mucaaradka oo ku taageeray (Warbixin)

Somaliland oo aan ka qeyb galeyn shirka London iyo Axsaabta Mucaaradka oo ku taageeray (Warbixin)

daajis.com:-Somaliland ayaa ka dhabeysay mowqifkeedii ahaa in aanay ka qeyb galeyn shirka London oo maanta oo Talaado ah furmaya, kaasoo ay si wada jir ah u shir gudoominayaan Ra’iisul Wasaaraha Britain iyo Madaxweynaha Somalia.
Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Siilaanyo oo maalin ka hor ka degay magaalada Hargeysa, kadib muddo bil ah oo safar uga maqnaa dalka dibadiisa ayaa mar kale ku celiyay in aanay ka qeyb galeyn shirka London oo uu ku tilmaamay mid aanay dan ugu jirin Somaliland.

Hadalka Siilaanyo ayaa waxaa soo dhoweeyay Labada Xisbi ee mucaaradka Somaliland sida Xisbiga UCID iyo Udub iyo Labada aqal ee Somaliland.

Shirka London oo looga hadlayo arrimaha Soomaaliya ayaa Somaliland ku tilmaamtay in aan shirkaas wax shir gudoomin doonin, isla markaana waxa laga hadlayo aanay iyaga quseyn.

Hase ahaatee ay u arkaan kaliya in umuuraha looga hadlayo kaliya uu yahay mid ku saabsan Soomaaliya.

Laakiin dadka odorasa siyaasada ayaa sheegaya in Somaliland ay ku weyn doonto taageero ay ka hesho dalal badan oo caalamka, maadaama aanay ka qeyb galeyn shirkan oo in ka badan 50-dowladood ka qeyb galayaan, taasna waxay micnaheeda tahay in hankeeda gooni isu taaga iyo aqoonsiga ay caalamka ka raadineysay inay ceel dheer ku sii dhaceyso.

Inkastoo shirkii bishii Febraayo ee sanadkii hore ka dhacay London ay Somaliland ku heshay yididiilo beesha caalamka u muujisay horumarka ay ka gaartay dimoqraadiyada iyo ammaanka, hadana waxa kaliya ee ajandaha shirkan uu noqonaya in lagu soo adkeeyo sii wadista wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweymaha Somaliland Axmed Siilaanyo ayaa bishii hore ku kulmay magaalada Ankara, wada hadalo ay garwadeen ka ahey dowladda Turkiga, kaasoo laga soo saaray heshiis dhowr qodob ka kooban oo ugu weynaa sii wadista wada hadalada iyo iskaashiga ammaanka iyo ganacsiga.

Balse waxaa la filayaa in saddex bilood kadib wada hadalada labaad ee Turkiga ka dhici doono inay weji kale u yeelan doono maadaama labada dhinacba uu ku kala adkeysanayo midnimada Soomaaliya waa muqadas iyo gooni isu taaga Somaliland waa muqadas.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:50 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada