Maamulka G/Hiiraan oo sheegay in isbedel dhinaca amaanka ah laga dareemay magaalada Beledweyn

Maamulka G/Hiiraan oo sheegay in isbedel dhinaca amaanka ah laga dareemay magaalada Beledweyn

daajis.com:-Maamulka gobolka Hiiraan ayaa sheegay in isbedel weyn laga dareemayo amaanka gobolkaasi,  iyagoo ka warbixiyay howlgalo lagu soo qab qabtay in kabadan 80 qori gacmeed iyo dad la tuhunsanyahay.

Maxamed Ibraahin C/kariin oo ah gudoomiye ku xigeenka gobolka Hiiraan ayaa Radio Muqdisho u sheegay in howlgal ay ciidamadu ka sameeyeen degmada Beledweyn lagu soo qabqabtay in ka badan 80 qori gacmeed iyo tiro dad ah oo lagu tuhunsanyahay in ay ku lug lahaayeen falal amnidaro ah.


Gudoomiye ku xigeenka ayaa intaa ku daray in ujeedada howlgalkaasi uu ahaa sidii loo xaqiijin lahaa amaanka magaalada Beledweyn, wuxuuna intaa raaciyay in howlgaladu ay sii socon doonaan tan iyo inta laga xaqiijinayo amaanka Magaalada Beledweyn.

Dhanka kale gudoomiyuhu waxa uu hoosta ka xariiqay in maamulka gobolku uu mamnuucay heysashada hubka sharcidarada ah,  wuxuuna ugu baaqay shacabka ku nool gobolka iney gacan ka geystaan sugida amaanka
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:32 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada