Ciidamada Dowlada oo Maanta Heegan buuxa ku jira iyo Baaritaano adag oo kasoconaya qeybo kamid ah Magaalada Muqdisho

Ciidamada Dowlada oo Maanta Heegan buuxa ku jira iyo Baaritaano adag oo kasoconaya qeybo kamid ah Magaalada Muqdisho

daajis.com:-Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa saakay ku jira heegan buuxa ay uga hortagayaan Weeraro Arga gaxiso oo laga cabsi qabo in Al-Shabaab ka fuliyaan Qeybo kamid ah Magaalada Muqdisho.


Ciidamo isugu jira Nabad Sugid iyo Booliis ayaa saakay lagu arkayaa iyaga oo taagan wadooyinka Muhiimka ah ee Magaalada Muqdisho halkaas ay ka wadaan baaritaano adag oo lagu baarayo gaadiidka maadama laga cabsi qabo in Qaraxyada loo adeegsado gaadiidka Raaxada.

Laamiga Maka Al-Mukarama ilaa garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ayaa ugu badan halka ee joogaan Ciidanka Dowlada Soomaaliya kana wadaan baaritaana waxaana gaadiidka la weediinaaa kaar aqoonsi iyadoona si weyna loo baarayo gaadiidka .

Sidoo kale laamiga Maka Al-Mukarama ma jiraan wax gaari BIL-ah oo saakay maraa kadib amar kasoo baxay Dowlada oo maalintii shalay gawaarida Dadweynaha qaada looga mamnuucay laamiga Maka Al-Mukarama ilaa garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalaa Muqdisho.

Al-Shabaab ayaa laga cabsi qabaa in Magaalada Muqdisho ka geestaan falal amaanka wax u dhimaya inta uu socdo shirka arimaha Soomaaliya looga hadlayo oo maanta ka furmaya Magaalada London si amaanka Magaalada Muqdisho uga soo qaadaan mid aan la isku haleyn Karin.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:13 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada