Laxda weyda ah ma rabee wanka buuran ii keena

Laxda weyda ah ma rabee wanka buuran ii keena

daajis.com:-Laxda weyda ah ma rabee wanka buuran ii keena, waa cinwaan aad ka dareemi kareyso farriin cabasha ah oo ku wajahan qof kasta amaba muwaadin kasta oo Soomaaliyeed oo wax un ka tari kara qeyladhaanta ay farriintani xanbaarsan tahay ama ay soo gudbineyso.


Taariikhdu waa ma guuraan dhaxal reeb ah oo jiilba jiilkiisa taabsiisa xaqiiqada dhabta ah iyo sooyaalka taxanihii la soo maray, sidaasi darteed halgankii xornimo doonka iyo gumeysi iska caabinta ahaa ee ay ummadda Soomaaliyeed gaashaanka u soo qaadatay, waxaa hormuud ka ahaa oo laga shidaal qaadanayay guubaabada hooballada Soomaaliyeed.

Dabcan daah ma saarna wax qabadkii fannaaniinta Soomaaliyeed, waayo maba ay jirin, waran, fallaar iyo qori xabbad laga riday oo aanay la soconin guubaabo qiiro leh iyo dhiirri gelinta hoobalka Soomaaliyeed, taas ayaana keentay xorriyadda aynu maanta hoos harsaneyno, waxaana taa farta ku fiiqay oo tusaale sax ah ka bixiyay barbaariye abwaan Maxamed Warsame ( Hadraawi ) oo tixo kooban ku yiri:-

Xamar iyo hargeysaba
Dhagax iyo hangooliyo
Heellaa xoreysee

Wallee hoobalkoon jirin
Libi soo ma hoyateen.

Waa xaqiiqo dhab ah taasi, waayo shaqsi kasta oo maanta maamul ama xukun hayaahi, wuxuu dhaxlay xorriyaddii ay dhaliyeen fannaaniinta Soomaaliyeed, sidaa darteed abaal gud bey ka mudan yahiin hooballada mas’uul kasta oo xil qaran kursiga ugu fadhiya iyo weliba maamuus la maqaam ah heerka ay joogaan kuwa iyaga la midka ah ee dunida guudkeeda ku la nool, howraar baana oraneysa:-

Abaal ninkii galaaba
In loo gudaa gar weeye.

Nasiib darradu waxey tahay weli wey dhiman tahay in ay timaaddo u damqashada dareen laxaweedka aartaha iyo garashada iftiimineysa waxa ay suugaani tahay ama ay tarto, garashadaasi oo ka soo fuleysa hadba qofka aqoontiisa guud heerka ay mareyso iyo dooqiisa faneed halka uu gaarsiisan yahay iyo weliba siyaasad ahaan sida uu suugaanta ugu ugaarsan karayo marka la raad goobayo sirta dahsoon ee uu afmaalku tilmaamo.

Si kastaba ha ahaatee, waqtiga haatan la joogo hooballada amaba fannaaniinta qaranka Soomaaliyeed ma jirto marxalad ay ka liitaan oo ay ka il daran yihiin, taariikhdoodana ma ay soo marin duruufaha saxariirta leh ee laga sii jeestay iyo bahdilaadda ay maanta ku nool yihiin ee aanay jirin cid uga garaabeysa, taasoo u dhiganta "Dameerkii lagu ilmo korsaday ee markii uu garba beelay laga abaal ka dhacaye suuqa iyo dariiqyada daryeel la'aanta ugu geeriyooday!”.

Hooballada Soomaaliyeed ee aan 22kii sano ee uu burburka aan dalka ka soo bixin, waxey la soo kulmeen dhibaatooyin aan xad laheyn, dalka gudihiisa ayey dhowr jeer ku bara kaceen qaar baa weli ku jira xeryaha barakacayaasha, qaarna cudurro iyo gaajo ayey la jiifaan, waxaa la is weydiiyay “meyd yaa u danbeeyay?” markaasi ayaa isku mar lagu wada jawaabay “ midkaa hadda la sii sido!”.

Fannaaniinta qaranka ku hoos dhibaateysan ee aan waxba loo qaban waxaa u danbeeyay:- Sahra Ileeye oo xanuun aad ah la il daran iyada oo weliba heysay toddoba carruur ah oo uu ka geeriyooday fannaankii weynaa ee ahaa Axmed Nuur Jaango kuwaasi oo aanay jirin cid ku caawineysa, sidoo kale waxaa jira fannaan Cabdi Tahliil Warsame oo isaguna gurigiisa ku dhex xanuunsanaya iyo qaar kale oo xeryaha barakacayaasha ku dhex darxumeysan!, waxaana yaab leh iyada oo aan mas’uuliyaddaasi la eegin in haddana ay madaxda qaranka u gacan haatinayaan fanaaniinta ku kala nool yurub iyo mareykanka iyaga oo leh kaalaya oo soo laabta waan idin soo dhoweyneynaaye, taasoo la macna ah “ laxda weyda ah ma rabee wanka buuran ii keena” kaas oo isaguna berrito marka lagu dan gaaro aan dib danbe la isu weydiin doonin!.

Dowlad aan laheyn fan iyo farshaxan qabyo ayey dhex dabaalaneysaa, haatan oo ku meel gaarkii laga soo baxayna madaxda qaranka waxaad moodda in ay ka sii jeedaan howlaha fanka iyo weliba horumarinta hiddaha iyo dhaqanka, waayo waxaa muuqata in la iska indha tiray horay u dhaqaajintii golihii murtida iyo madadaalada, mana garan karno sababaha looga maarmay adeegsiga awoodda suugaanta oo ah quwad aan wax tarkeeda la dafiri karin taasoo mas’uulkii kasbada u ah indho iyo dareen siyaasadeed wax tusaaleeya, kii aan kasbaninna ku noqota qodxo berrito dariiqa u sii daadsan!.

Ugu danbeystii dowladda maanta jirta waxaan ugu duceynayaa “alla ha idin tuso awoodda qarsoon ee suugaanleyda soomaaliyeed” bah weynta fannaaniinta Soomaaliyeedna waxaan leeyahay “meel kasta oo aad dunida ka joogtaanba, waxaa idinku waajib ah in aad idinku is ogaataan oo aad is daryeeshaan idinka oo isku duuban, waayo afkiinna iyo maskaxdiinna ayaaba ah jeeg wareega oo mel walba ka sarrifmaya, kaas oo qof iyo qaranba ku filan, waxaadna ogaataan haddeydan sidaa yeelin, ineysan cidi idiin maqneyn ceelna idiin qodneyn!”
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 04:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada