Gaadiidka BL-ka iyo kuwa xamuulka oo laga mamnuucay inay isticmaalaan qeybo ka mid ah wadooyinka Muqdisho

Gaadiidka BL-ka iyo kuwa xamuulka oo laga mamnuucay inay isticmaalaan qeybo ka mid ah wadooyinka Muqdisho

daajis.com:-Hey’adaha ammaanka dowladda ayaa isla gartay in laga mamnuuco gaadiidka BL-ka iyo kuwa xamuulka inay isticmaalaan wadooyinka qaar ee magaalada Muqdisho, iyadoo arrintan ka dambeysay kadib markii shalay qarax loo adeegsaday gaari ay wax ku noqdeen gaadiid rakaab ahaa.

Taliyaha ciidamada taraafikada Jen. Cali Xirsi Barre (Cali Gaab) oo shir jaraa’id qabtay ayaa ka dhawaajiyay in sababo ammaan awgood looga mamnuucay gaadiidka wadada Maka Al-Mukarama iyo wadada aada Air Porka.

“Gaadiidka BL iyo kuwa xamuulkaba waa ka mamnuuc wadada Maka al-Mukarama ilaa amar dambe, wadada maka al-mukarama ilaa Garoonka diyaaradaha ma isticmaali karaan”ayuu yiri Jen. Cali Gaab.

Mar uu faah faahinyaya wadooyinka laga mamnuucay gaadiidka iyo kuwa ay isticmaali karaan ayuu labo u kala qeybiyay gaadiidka ka shaqeeyo wadooyinka, isagoo u kala cayimay baro ay ku negaanayaan oo aanay ugu soo gudbeyn wadooyinka laga mamnuucay.

“Gaadiidka ka yimaada Madiino ma soo dhaafi karo Zoope, gaadiidka wadada wadnaha soo mara ilaa sanca, wuxuu ku eg yahay dalcada Cabdiqaasim ma soo dhaafi karo Safaarada Turkiga, gaadiidka Xamar weyne ka yimaada waxay soo marayaan wadada afisyooni ilaa Naasahablood one, waxayna gaadiidka ku eg yihiin Ex Baarlamaanki hore”ayuu yiri Jen Cali Gaab.

Dhinaca kale Ku simaha Gudoomiyaha gobolka banaadir ahna Gudoomiye kuxigeenka Cali Axmed Guure ayaa sheegay in gaadiidka dadweynaha ay arrimo ammaan uga mamnuuceen, kadib markii dhibaatada ugu badan ka soo gaarto qaraxyada ka dhaca Muqdisho.

Qaraxyadii ugu dambeeyay ee wadooyinka Muqdisho ka dhacay ayaa qasaaraha ugu badan ka soo gaaray gaadiidka BL, iyadoo bishii Maarso ay aheyd markii qarax ismiidaamin ah oo lala rabay gaari uu la socday Taliyaha nabadsugida gobolka banaadir uu ka soo hor baxay gaari kale oo BL-ka kaasoo dadkii saarnaa ay ku dhamaadeen.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada