Wasiir Kamid ah Wasiirada Xukumadda Soomaali oo nin shaqada uga ceyriyey qabiil dartiis!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)

Wasiir Kamid ah Wasiirada Xukumadda Soomaali oo nin shaqada uga ceyriyey qabiil dartiis!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)

daajis.com:-Mid ka mid ah golaha wasiirada Soomaaliya ayaa waxaa la sheegay inuu shaqada ugu ceyriyey madaxa ciidamada u qaabilsan amaanka wasaaradiisa maadaama aysan isku qabiil ahayn. 

Dhacdadaan la ayaabka leh oo ay dhawaantaan shaacisay wariyaha Soomaaliyeed Shukri Maxamuud Afrax xilli ay kaga qeyb galaysay magaalada Nairobi ee dalka Kenya munaasabad lagu daahfuraayey buug cusub oo ay soo bandhigtay Dahabo Cumar Maxamed oo looga hadlaayey burburka iyo isbadalka ku dhacay maamulka dalka Soomaaliya ayaa munaasabadaas hadal ay ka jeedisay Shukri Maxamuud Afrax waxay ku tibaaxday inay dhawaantaan soo gaartey oo ay maqashay arintaan la yaabka leh oo ah in nin wasiir ah uu madaxa ilaalada amaanka wasaaradiisa uu u sheegay inuu isaga tago goobtaas maadaama ay wasaaradaas ay joogaan dad qabiilkiisa ah asagan uu raadsado wasaarad ay joogaan qabiilkiisa iyadoona uu ninkii uu iska xaadiriyey wasaarada ay qabiilkiisa ku sugnaayeen uuna u sheegay in halkaan loo soo badalay arintaas oo ah wax lala yaabo run ahaantii islamrkaana muujinayso is aamin la'aanta wali dhextaala dadka Soomaaliyeed 


Ugu dambeyntiina iyadoo wixii ka dambeeyey bur burkii dalka Soomaaliya ay isbadaleen waxyaabo badan islamarkaana aysan jirin cid wax ka qabatey ayaa maamulka hab dhismeedka dowligu uu ka mid yahay waxyaabaha isbadalay oo uuna ka jiro is dhexyaac iyo fowdo baaxsan oo wax kaqabasho u baahan, iyadoona maamulada iyo madaxdii dowladihii uu soo maray dalka Soomaaliya aysan wax wey oo la taaban karo aysan ka qaban arintaas.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada