Shirka London oo si rasmi u furmay

Shirka London oo si rasmi u furmay


daajis.com:-Waxaa goor dhow ka furmay Xarunta Lancaster House shirkii London ee arrimaha Soomaaliya looga hadlayay, iyadoo shirkan ay si wada jir u shir gudoominayaan Ra’iisul Wasaaraha Britain David Cameron iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Shirkan ayaa ajandayaasha looga hadlayo ka mid ah Ammaanka, Dhaqaalaha, Garsoorka iyo dib u dhiska dalka.

Ra’iisul Wasaaraha Britain oo hadlay ayaa sheegay in shirkan uu muhiim u yahay Soomaaliya, isla markaana fursad ballaaran u yahay.

In ka badan madax ka socota 50-dowladood ayaa shirka fadhiya, kuwaasoo ay ugu waa weyn yihiin Madaxweynayaasha dalalka geeska Afrika.



Xoghayaha Jaamacada Carabta Nabil Al-Carabi ayaa ka mid ah madaxda shirka ka qeyb galaya, kaasoo khudbad uu ka jeedinayo goor dhow.

Shirkan ayaa lagu wadaa in laga soo saaro gelinka dambe ee maanta war muritiyeed, waxaana la filayaa in Soomaaliya loogu yabooho taageero dhaqaale.

Wixii ku soo kordha kala soco wararkeena dambe

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:34 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada