Falanqeynta Kulanka Xiisaha Leh Ee Horyaalka Premier League Ee Kooxaha Manchester City v West Brom.

Falanqeynta Kulanka Xiisaha Leh Ee Horyaalka Premier League Ee Kooxaha Manchester City v West Brom.

 
daajis.com:-
LINE-UPKA MACQUULKA AH:

MANCHESTER CITY

Hart
Zabaleta, Kompany, Nastasic, Clichy 
Barry, Toure
Silva, Tevez, Nasri
Aguero
WEST BROM

FosterRidgewell, Olsson, McAuley, Jones
Yacob, Mulumbu
Rosenberg, Dorrans, Long
Lukaku

Kooxda Manchester City ayaa dooneysa inay guul ku xaqiijisato booskeeda kaalinta labaad halka kooxda West Brom ay kaliya hal kulan guul dhadhamisay lixdii kulan ee ugu danbeysay ee ay marti ahaayeen.
Kulanka: Manchester City v West Brom
Garoonka: Etihad Stadium
Waqtiga: 9:45 pm SGA (Saacada Geeska Afrika)
Tababaraha kooxda Manchester City ayaa isku dayi doona inuu isku shaandheyn ku sameeyo kooxdiisa ka hor kulanka finalka FA Cup ee ay isbuuc dhamaadka la ciyaarayaan Wigan Athletic.
Yaya Toure ayaa si taxadar ah looga saraay ciyaarta kulankii isbuucaan ka dib dhaawac yar oo soo gaaray, waxaana laga yaabaa in la nasasiiyo kulanka caawa.
Kooxda West Brom waxaa ka maqan weeraryahankooda Marc-Antoine Fortune kaasoo ganaax ku maqan.
Weeraryahanka kale Peter Odemwingie oo ahaa bedel aan la isticmalin kulankii isbuucan ay la ciyaareen Wigan ayaa tartan ugu jira inuu ciyaaro markii ugu horeysay tan iyo bishii March.
MA OGTAHAY?
  • Manchester City ayaa leh rikoorka daafaca ugu fiican Premier League, iyadoo laga dhaliyay kaliya 31 gool 35 kulan oo ay ilaa iyo haatan ciyaareen.
  • City ayaa ku guuldareysatay inay shabaqa soo taabato kaliya lix kulan xilli ciyaareedkan.
  • Kooxda Roberto Mancini ayaa dhalisay ugu yaraan seddex gool seddexdii kulan ee ugu danbeysay ee ay la ciyaareen West Brom.
  • Goolhayaha West Brom Ben Foster ayaa kaliya shabaqa ilaashaday todoba kulan xilli ciyaareedkan.
  • Xiddiga ugu goolasha badan West Brom xilli ciyaareedkan waa Romelu Lukaku kaasoo dhaliyay 14 gool oo horyaalka ah, waana in ka badan labo gool ciyaaryahanka ugu goolasha badan City Edin Dzeko.
  • Kulankii ugu danbeeyay ee labadaan kooxood dhexmaray xilli ciyaareedkan waxa uu ku dhamaaday 2-1 oo ay ku badisay City, iyadoo Dzeko uu dhaliyay labada gool oo goolka guusha uu dhaliyay daqiiqadii u danbeysay ciyaarta.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada