“Daawo Sawirrada” Naftii halige katirsan kooxda Al-Shabaab oo qarax bartilmaameedkiisu fashilmay ka geystay Isgoyska Km4

“Daawo Sawirrada” Naftii halige katirsan kooxda Al-Shabaab oo qarax bartilmaameedkiisu fashilmay ka geystay Isgoyska Km4

daajis.com:-Weerarkan qarax oo ahaa mid naftii halignimo ayaa dhagarqabe katirsan maleeshiyada Al-shabaab waxa Uu ka geystay bartamaha isgoyska km4 ee magalada Muqdisho halkaasoo kamid ah wadooyinka ugu Mashquulka badan ee magaalada Muqdisho islamarkaana ay isticmaalaan dadweynaha ugu badan ee Isaga kala goosha qeybaha ay caasimadu ka koobantahay.

Naftii haligahan oo watay gaari nooca raaxada ah oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayuu ka fashilmay Bartilmamaeedkii uu damacsanaa kadib markii uu isla simay gaari uu lahaa wasiirka arimaha gudaha iyo Amniga qaranka hase yeeshee uusan wasiirku saarneyn xiliga uu weerarku dhacayay
Iyadoo gaariga wasiirka gaari kale oo ilaalo ka ahaa ciidankii saarnaa ay u diideen gaarigan miineysan Inuu kala dhexgalo taasoo keentay inuu qarxo markii uu la simanyahay waxaana halkaasi laga maqlay Qarax weyn iyadoo ay ku geeriyoodeen inta la xaqiijiyay inkabadan 3 ruux oo 2 kamid ah ay yihiin dad Shacab ah halka kan sadexaadna uu ahaa naftii haligihii miineysnaa.

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa usoo gurmaday goobta iyadoo lagu guuleystay in la damiyo Gaarigii miineysnaa ee qarxay iyadoo hadda ay xaaladu caadi kusoo laabatay halka gaadiidka Dabdamiska ee gobolka banaadirna ay si weyn uga howlgaleen.

Bartilmamaeedkii weerarkan ayaa fashilmay iyadoo faa’iidada ay Al-shabaab  kasoo hooyeena ay Noqotay inuu naftiisa isku qoonsado dhagarqabihii ay soo qaldeen oo si xun ugu goo go’ay goobta.

Ciidamada qaranka ayaa todobaadyadii ugu dnabeeyay ku jiray feejignaan dheeri ah kadib markii ay ka War heleen weeraro fuleynimo oo ay qorsheyneyso kooxda khilaafku ragaadiyay ee Al-shabaab Kuwaasoo qaar badanoo kamid ah lafashiliyay.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com















Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:20 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada