Juventus Oo Xaqiijisatay Hanashada Horyaalkeedii 2aad Ee Isku Xiga Ee Serie A Ka Dib Guul Ay Ka Gareen Palermo.

Juventus Oo Xaqiijisatay Hanashada Horyaalkeedii 2aad Ee Isku Xiga Ee Serie A Ka Dib Guul Ay Ka Gareen Palermo.

daajis.com:-Juventus ayaa xaqiijisatay hanashada horyaalkeedii 29aad (ama 31aad) ee Serie A ka dib markii ay guul 1-0 ah kaga gaareen kooxda Palermo garoonka Juventus Arena.


Juve ayaa ciyaartaan ka hor u baahneyd kaliya hal dhibic inay xaqiijistaan horyaalkoodii labaad ee isku xiga ee Serie A, waxaana ay taas bedelkeeda heleen seddex dhibcood ka dib guusha ay ka gaareen maanta Palermo.
Qeybtii hore ee ciyaarta ayaana aheyd mid labada kooxood aysan kala helin fursado badan, waxaana lagu kala nastay barbaro goolal la’aan ah.
Bilowgii qeybta labaad ayaa waxaa Juventus ka naxsaday xiddigoodii hore Miccoli kaasoo kubad joog hoose ah birta ugu dhuftay xilli Buffon la diray.
Juventus ayaana heshay goolkii ay raadineyeen daqiiqadii 59aad ee ciyaarta markii Vucinic rigoore lagu galay daqiiqadii 58aad, waxaana rigoorada u soo istaagay Arturo Vidal kaasoo gool u sarifay.
Juventus ayaa markaasi ka dib sii heshay fursado kale oo fiicfiican oo ay hogaanka ku dheereysan kareen, laakiin fursadihii ay heleen Pogba, Vidal iyo Vucinic ma aysan noqon kuwa ay ka faa’ideysteen.
Daqiiqadii 78aad ayaa Hernanez uu u dhawaaday inuu u barbareeyo Palermo isagoo kubad si ciriiri ku agmariyay goolka.
Fabio Quagliarella ayaana nasiibka ka diiday inuu kooxdiisa hogaanka u dheereeyo markii kubad uu meel dheer ka soo tuuray oo gantaal aheyd ay birta ka beenisay.
Juventus ayaana ciyaarta ku dhameysatay 10 ciyaaryahan markii Paul Pogba casaan toos ah la siiyay daqiiqadii 83aad ee ciyaarta markii lagu eedeeyay inuu ku candhuufay ciyaaryahan.
Bianconeri ayaana guul ka gaartay kooxda ka carareysa inay ka harto horyaalka Serie A ee Palermo, iyagoo leh 83 dhibcood, halka kooxda ku soo xigta ee Napoli ay leedahay 69 dhibcood inkastoo kulan u harsan yahay, waxaana ay taasi ka dhigan tahay in Juventus ay xaqiijisatay hanashada horyaalka Serie A markii labaad oo isku xigta iyadoo horyaalka uu seddex kulan ka harsan yahay.
Juventus ayaana qaaday horyaalkeedii 29aad ee Serie A inkastoo ay iyaga xiisaabsanayaan 31 horyaal madaama labo horyaal looga qaaday fadeexadii Calciopoli ee 2005tii.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:44 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada