Magaalada Bosaso oo laga diiday isticmaalka shanta boqol ee shilin Soomaaliga Daawo SAwiro

Magaalada Bosaso oo laga diiday isticmaalka shanta boqol ee shilin Soomaaliga Daawo SAwiro

daajis.com:-Ganacsatada Bosaaso ayaa bilaabay inay joojiyaan inay wax ku iibiyaan lacagta Shanta Boqol ee Shillinga Soomaaliga.

Tan iyo markii Faarax Cali Shire oo ah Wasiirka Maaliyadda Puntland uu wareegto ka soo baxday xafiiskiisa ku sheegay in iyada oo la tixraacayo go’aanadii goloyaasha Puntland ee ahaa in lacagta Dollarka loo bedalay Miisaaniyadda Puntland si tijaabo ah bilaha May – August 2013 taas oo gaareysa $3.5 Milyan oo Dollar.

Wareegtadaasi ayaa sidoo kale uu ku sheegay wasiirka in dakhliga dowladda ee canshuuraadka lagu qabanaayo lacagta Maraykanka ee Dollarka, haddii ay dhacdo in qofku waayo Dollar waxaa lagu qaban lacag Soomaali laakiin sarifku noqonaayo $1= 24,000 Sh.So taas oo ka badan inta suuqa lagu sarifo,ayaa waxaa dad weynaha ku sugan magaalada guud ahaan diiday isticmaalka lacagta shanta boqol ee shilin Soomaaliga ah.


Goobaha lagu iibiyo cuntada karsan,carwooyinka dharka iyo shaabinada, suuqa weyn ee magaalada, baabuurta bii’elka iyo goobaha kale ayaa laga isticmaalin shanta boqol shilin Soomaaliga maanta oo taarikhdu ku beegan tahay 4-5-2013.

Qaar kamid ah ganacsatada suuqa magaalada ayaa waxaa saakay la dhexqaaday mikrofoonka daajis si aan wax uga ogaano arintan ku saabsan joojinta shanta boqol, waxa ayna daajis u sheegeen in aysan isticmaaleen shanta boqol shilin Soomaaliga.

Waxayna ku sababeeyeen in dowladda ay ka diiday lacagta shilin Soomaaliga oo ay ku bixin jireen canshuurta, meel ay geeyaana aysan garaneyn.


Dowaladda Puntland ayaa wali ka hadlin arintan ,gaar ahaan wasaaradda Maaliyadda iyo tan arimaha gudaha.

Deegaanka Puntland ee Soomaaliya ayaa ah goobta kaliya ee laga isticmaali jiray lacagta Shanta Boqol ee Shiling Soomaaliga. Haddii ay dhaqan gasho in la joojiyo shanta boqol ee shilin Soomaliga ah isticmaalkeeda ayaa waxa ay noqoneysaa oraahdii horey Koonfurta Soomaaliya laga oron jiray “..Kun Baa u Weyn kun Baana u yar…”
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada