Diyaarad Siday Marti Sharaf Ka Qeey Galeysa Aroos Ka Dhacaya Koofur Afrika Oo Sharciyo Badan Jabisay

Diyaarad Siday Marti Sharaf Ka Qeey Galeysa Aroos Ka Dhacaya Koofur Afrika Oo Sharciyo Badan Jabisay

daajis.com:-Diyaarad heshiis lagula soo galay inay qaaddo marti ka qaybgalaysay xaflad aroos oo lammaane asal ahaan ka soo jeeda dalka Hindiya oo lacag leh ku qabsadeen dalka Koonfur Afrika, ayaa jebisay shan sharci oo u yaal waddankaas, kadib markii ay cago dhigatay garoon ciidammadu leeyihiin oo diyaaradaha rakaabka ka caaggan, arrintaas oo jah-wareer ku riday dhammaan ciidammada iyo madaxda dawladda Koonfur Afrika.

Diyaaraddan oo la yidhaa Airbus A330-200 oo ay leedahay shirkad diyaaradaha kiraysa oo ku taal dalka Hindiya, ayaa jebisay sharciyo u yaal magaalada Pretoria sida lagu baahiyiey wargeyska Independent Online.


Lammaanaha xafladda guurkooda diyaaradda martida sidday u jabisay sharciga Koonfur Afrika oo kala ah Mr. Atul iyo Rajesh iyo haweenay la yidhaa Vega Gupta oo uu dhalay siyaasi caan ka dalka Hindiya Mr. Achla Gupta, ayaa munaasibaddii meherkooda waxa hareeyey muran dhinaca sharciga ah.


Aabbaha gabadha la guursaday Mr. Guptas wuxuu leeyahay wargeyska la yidhaa New Age iyo shirkadda kombuyuutarrada soo saarta ee Sahara Computers.

Diyaaraddan ayaa cago dhigatay garoon ciidammada Koonfur Afrika leeyihiin, waxana loo saaray guddi ka soo baadha sababaha keenay inay fadhiisato xarun millateri oo diyaaradaha ciidammada oo keliya loo oggolyahay.


Mr. Jeff Radebe Wasiirka Caddaaladda ee Koonfur Afrika ayaa sheegay in baaritaanno lagu samaynayo doorka qoyska ninka caanka ah ee la yidhaa Gupta ka ciyaareen arrinta sharci darrada ah ee diyaaraddaasi ku fadhiisatay madaarka ciidamada millateriga ee ku yaala duleedka magalada pretoria,
Saraakiil u hadlay millateriga Koonfur Afrika, ayaa iyaguna sheegay in aanay war u hayn xilliga diyaaraddaasi cago dhigatay garoonka ciidammada iyo sida ay ku heshay oggolaansha inay halkaas soo caga dhigato diyaaradaasi,
Wasiirka Madaxtooyada Koonfur Afrika Mr. Collin Chabane, ayaa daboolka ka qaaday in baadhitaanno hordhac ah oo la soo saaray lagu ogaaday in diyaaraddaasi garoonka ciidammada fadhiisatay iyadoon wax oggolaansho iyo ogaal ah ka haysan hay,adda duulimaadyada ee dalka koofur afrika,
Si kastaba ha ahaatee Diyaaraddan oo siday 200 qof, ayaa loo kaxeeyey dhinaca madaarka la yidhaa Or Tambo ee magalada johannesburg halkasi oo ay ku dajisay dhamaan rakaabkii saarna oo ahaa marti sharaf loogu tala galay inay ka qeeyb galaan xaflada arooska ugu balarna dunida oo maalimaha so socda lagu wada in uu ka dhaco koofur afrika,
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada