Dowlada oo ka warbixisay ujeedka hawlgalka Ballaaran ee Muqdisho ka socda

Dowlada oo ka warbixisay ujeedka hawlgalka Ballaaran ee Muqdisho ka socda

daajis.com:-Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay ujeedka hawlgalada Ballaaran ee ka soconaya magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya wasiir ku xigeenka wasaarada warfaafinta xukuumada Soomaaliya C/shakuur Cali Mire ayaa sheegay in hawlgalada Muqdisho ka socday iney la xiriiraan xoojinta amniga caasimada Muqdisho.

C/shakuur ayaa sheegay in qodobka koowaad ee ahmiyada dowlada Soomaaliya uu yahay amniga dalka sidaa darteedne ay wadaan dadaalo badan oo ay ku doonayaan iney ku xaqiijiyaan amniga magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya,wuxuuna sheegay in hawlgaladu ay soconayaan waqti uusan cayimin.

Wasiir ku xigeenka ayaa mar la weydiiyey saamaynta iyo dhibaatada  ay hawlgaladani ku yeesheen bulshada waxa ay ka yeelayaan ayuu  sheegay in dowladu ay wax kasta oo caqab ku noqonaya habsami u socodka hawlaha ganacsiga iyo adeegyada kale ee bulshada ay xal u raadineyso,wuxuuna carrabka ku adkeeyey in ujeedka hawlgalku uusan ahayn in shacabka lagu dhibaateeyo balse ay dowladu dooneyso iney sugto amniga mawaadiniinta Soomaaliyeeed.
Wasiir ku xigeenka warfaafinta  ayaan meesha ka saarin in dowladu ay ka war heshay warar sheegaya in alshabaab ay dhibaato ka geysan rabaan gudaha Muqdisho,wuxuuna daboolka ka qaaday in ciidamada amaanka dowladu ay xili walba heegan u yihiin sidii ay uga hortagi lahaayeen weeraro ay suurta gal tahay in alshabaab ay Muqdisho ka fuliyaan.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:29 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada