Line-upka Rasmiga Ee Real Madrid v Dortmund: Ronaldo Essie, Modric & Piszczek Oo Ku Soo Bilaabanaya.

Line-upka Rasmiga Ee Real Madrid v Dortmund: Ronaldo Essie, Modric & Piszczek Oo Ku Soo Bilaabanaya.

daajis.com:-Cristiano Ronaldo ayaa ku soo bilowday sidii la filayay kooxda Jose Mourinho isagoo ka soo kabsaday dhaawac yar oo u diiday inuu ciyaaro kulankii horyaalka ee Atletico Madrid.

Tababare Jose Mourinho ayaana sidii la filayay kursiga keydka geliyay Pepe, iyadoo Sergio Ramos uu daafac dhexe ka garab ciyaaro Varane, laakiin daafac midig ayaa waxaa ciyaaraya Essien iyadoo Arbeloa uu kursiga keydka fadhiyo.
Higuain ayaa isna mar kale booska ka galay Benzema, isagoo caawinaad ka helaya Di Maria, Ozil iyo Ronaldo.

Sami Khedira ayaa isan kursiga keydka ku bilaabaanaya iyadoo Modric uu booska burburiyaha ka garab ciyaarayo Xabi Alonso.
Dhanka tababare Jurgen Klopp ayaa isna ku soo shirtagay line-up la mid ah kii ay Real Madrid 4-1 kaga badiyeen isbuucii hore, iyadoo Piszczek uu ka soo kabsaday dhaawacii yaraa ee uu qabay.
Kuba, Gotze iyo Reus ayaana weerarka ku caawinaya Lewandowski oo afar gool dhaliyay kulankii lugta hore.
Real Madrid: Diego López, Essien, Ramos, Varane, Coentrao, Xabi Alonso, Modric, Di María, Özil, Ronaldo, Higuaín
BVB: Weidenfeller – Piszczek, Subotic, Hummels, Schmelzer – Gündogan, Bender – Kuba, Götze, Reus – Lewandowski
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:45 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada