QISO LAYAAB LEH NIN MUSLIM AH OO SOO ISLAAMIYAY NIN GAAL AH, HADANA DHAQANKIISA KU GAALEEYAY.

QISO LAYAAB LEH NIN MUSLIM AH OO SOO ISLAAMIYAY NIN GAAL AH, HADANA DHAQANKIISA KU GAALEEYAY.

daajis.com:-Nin Muslim ah ayaa wuxuu daris la ahaa nin gaal ah, dood badan kadib ayuu ninkii gaalka ahaa soo islaamay. Habeen ayaa ninkii Muslimka ahaa u yimid ninkii kale ee soo Muslimay, kadib markii uu albaabka soo qaraacay ayuu Muslimkii cusbaa waydiiyay waa kuma?.

Muslimkii hore ayaa ku jawaabay: Waa aniga ee iga fur. Kadib ayuu ninkii cusbaa waydiiyay sababta keentay inuu wakhtigaan imaado. Na keen aan aadno Masjidka, Nabiga (NNKH) wuxuu sheegay in ajir badan laga helo salaada habeenkii xiliga danbe la tukado.

Ninkii cusbaa ayaa raacay Muslimkii hore. Kadib markii ay tageen Masaajidka ayay bilaabeen salaad, markii salaada subax soo dhowdahay ayuu Muslimkii hore u sheegay ninkii cusbaa inuu sugo salaada subax halkii uu ka aadi lahaa gurigiisa. Wuu ka aqbalay. Wuxuu hadana ka codsaday inuu soomo maalintaas asaga oo u sheegay inuu soonka maalintaas ajir badan lahaa.

Salaad subax kadib ayuu Muslimkii hore hadana ka codsaday ninkii cusbaa inuu Qur’aan aqris iyo barasho galo, asaga oo u dhiibay kitaab Qur’aan ah. Ninkii cusbaa ayaa hadana aqbalay. Barqadii markii la gaaray ayuu Muslimkii hore hadana ku booriyay ninkii cusbaa inuu cashiro guud oo Islaamka ku saabsan barto, iskana joogo Masaajidka, wuu aqbalay.

Duhurkii ayaa sidaa ku yimid. Salaadii kadib ayuu hadana ka codsaday ninkii cusbaa inuu iska joogo Masaajidka waxna ka barto Axaadiista Nebiga (NNKH), ninkii ayaa hadana aqbalay. Casar ayaa sidaa kusoo galay. Salaadii casir kadib ayuu hadana ku booriyay inuu iska joogo maadaamo buu yiri salaadii Maqrib soo dhowdahay, afurna uu baahan yahay. Ninkii cusbaa aya hadana aqbalay.

Afur iyo salaad Maqrib kadib ayuu hadana Muslimkii hore ku booriyay walaalkiisii cusbaa inuu wax yar iska sabro maadaamo salaadii cisho soo dhawaatay. Mar kale ayuu ninkii cusbaa ka aqbalay.

Salaadii cisho kadib ayay u dheel madeen guryahooda, kadib ayuu hadana saq dhexe Muslimkii hore soo qaraacay albaabka ninkii cusbaa, markii uu isu sheegay ayuu ninkii cusbaa ku jawaabay: Xaaji, aniga waan ka baxay diintaan, maxaa yeelay nafis-ba waad ii diiday, xaas iyo caruur ayaan leeyahay. Nolol ayaa la iga rabaa, nasashana waan u baahanahay. Marka nugu kala wad.

Faa’iido: dadka, khaasatan kuwa ku cusub Islaamka lama dadajiyo, waxaana wanaagsan in loo dhimriyo, xataa haday khaladaad galaan, si tartiib ahna wax loogu sheego. Tan kale waxaa cibaado ah nasashada nafteeda, marka nafta xaq ayay leedahay ee ma aha inaad 24 saac salaad u taaknaato. Reerkaada iyo dadka kaleba xaq ayay kugu leeyihiin, marka inaad shaqayso ood waajibaadka kasoo baxdana waa cibaado nafteeda. m,asha alaha.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada